Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Mowliidka Dhalashada Nababiga NNKH Ee 1489aad Oo Maalinta Bari Ah Laga Xusi Doono Guud Ahaan Dalka iyo Caalamka.

Jigjiga(CN) Jimce.Jan.02.2015, Dhalashada Nabi Muxammed NNKH ee 12 bisha mowliid ee sanadka hijrada oo ah 1436 ayaa maalinta bari si balaadhan looga xusi doonaa gabi ahaan dalka Itoobiya oo calenderku casyahay iyo caalamkaba.

Waxaa masaajida, magaalooyinka iyo haayadaha arimaha islaamka ee dalka barito si balaadhan looga xusi doonaa munaasibada mowliidka oo farxadwayn ugu fadhida muslimiinta islamarkaana taariikhda iyo sifaadkii nabiga laga waramo iyadoo amaanta nabiga iyo barnaamij farxadeed lagu maamuuso mowliidka.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxmuud Cumar ayaa hanbalyo iyo salaanba u diray dhamaan muslimiinta isagoo ugu duceeyay in ilaahay mowliidkan mowliidkiisa nabadgalyo iyo barwaaqo ku gaadhsiiyo. Sidoo kale Ciidanka Qaranka ayaa barito lasugayaa in ay damaashaad farxadeed oo munaasibada mowliidka ah lagu xuso habmaamuusyo kaladuwan.

Qaybaha kala duwan ee deegaanka ayaa caawa si balaadhan masaajida magaalooyinka looga diyaarinayaa munaasibadan iyadoo magaalada Adhis misaajidkeeda way ee Anwar barito si wayn loogu qaban doono munaasibada mowliidka oo ay isugu iman doonaan culuma awdiinka, safiirada dalalka ee magaalada Adhis Ababa iyo qaybaha kala duwan ee arimaha islaamka.

Munaasibada mowliidka ayaa habeenimada caawa ah laga bilabaa masaajida iyadoo taniyo maalinka bari ah barnaamijka mowliidka oo farxad iyo sadaqooyinba ay wadaagaan muslimiintu lagu xusaa dhalashada nabiga NNKH.