Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Gudiga Boardiga Ha’yada Adeega Lacagaha Yaryar ee DDSI (micro finance) oo Kulan Lagu Gorfaynayay Dar Dargalinta Hirgalinta Qorshayaasha Shaqo Kuyeeshay Jijiga.

Jigjiga(CN) Jimce.Jan.02.2015, xukuumada DDSI ayaa sanadihii ugu danbeeyay  kor u qaaday guud ahaanba koboca dhaqaalaha deegaanka dadaal dheerna u gashay hirgalinta sidii loo tir tir dirilahaa saboolnimada iyo sidii  qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka loogu abuurilahaa ilo shaqo korna loogu qaado ilaha ganacsiga bulshada.

Si looga midho dhaliyo qorshayaashaasi ayaa waxay xukuumadu aas aasday  ha’yada adeega lacagaha yar yar DDSI (micro finance) taasi oo intii ay jirtay  kaalin mug leh ka qaadatay hirgalinta qorshayaasha horumarineed gaar ahaan abuurida illaha shaqada oo ay mudooyin badan u oomanaayeen shacabka deegaanku.

Haddaba waxaa maanta kulan ku yeeshay xafiiska adeega shacabka DDSI gudiga boardiga ha’yada adeega lacaga yar yar iyo amaahda (micro finance) ee DDSI. Kulankaasi oo lagu lafa gurayay hirgalinta qorshayaasha u yaalay haadaya gaar ahaan dhagaysiga warbixinta waxqabadka ha’yada ee 4 tii rubux ee ugu danbeeyay.

Waxaa kulankaasi  hogaaminayay gudoomiyaha gudiga boardiga ha’yada adeega lacagaha yar yar ahna wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo kobcinta awooda maamulka DDSI marwo Majiida Maxamed Maxamuud. Iyada oo ay ka soo qaybgaleen dhaman xubnaha gudiga boardiga ha’yada.

Iyada oo ay ugu horayntii kulankaasi ka hadashay wasiirada adeega shacabka iyo kobcinta awooda maamulka DDSI ahna gudoomiyaha gudiga boardiga hayada adeega lacagaha yar yar marwo majiida maxamad maxamuud. Waxayna si qoto dheer uga warbixisay ahmiyada  ay xukuumada DDSI u aas aastay una hirgalisay ha’yadan  iyada oo sheegay in ay ujeedada ugu wayn ee loo aas aasay tahay  sidii loo tir tirilahaa saboolinada korna loogu qaadilahaa koboca dhaqaalaha deegaanka iyo in ay bulshada deegaanku helaan meel ay ku kaydsadaan lagacaga hooda iskuguna diraan lagacaha  in ay hayadani  bixiso amaahda iyo abuurida illaha shaqada  ee bulshada dar yartada.

Waxayna marwo majiida hoosta ka xariiqday in ay hayadani intii ay jirtay siwayn uga qaybqaadatay qorshayaasha horumarineed ee lagula dagaalamayo saboolimada taasi oo bulshada badan oo dan yar ahayd u abuurtay illa shaqo kuwaasi oo hada siwayn uga najaxay nogdayna ganacsato.

Waxaa kale  oo intii uu kulankani socday soo jeediyay warbixinta waxqabadka ha’yada maareeye ku xigeenka ha’yada adeega lacagaha yar yar DDSI mudane Khadar  Axmed Cabdi  warbixintaasi oo  ku qotontay guulaha horumarined ee ay hayadani intii ay jirtay ka soo hoysay dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha adeegsiinta bulshada deegaanka oo wakhtiyadii hore ay dhibaato wayni ka haysatay dhinaca adeega lacagaha gaar ahaan gobolada iyo degmooyinka DDSI  ee ka durugsan caasimada deegaanka.

Waxaa kale oo uu maareeye ku xigeenka hayadi soo jeediyay wabrixin uu Banbiga qaranka dala itoobiya ka qoray hayadan adeega lacagaha yar yare DDSI  taasi oo si durugsan uga warbixinaysay waxqabadka balaadhane ee ay muujisay hayadani intii ay jirtay taasi oo tilmaamaysay in ay hormuud ku dayasha mudan u noqoday dhamaanba hayadaha adeega lacagaha yar yar ee dalka itoobiya,

Waxaa ugu danbayntii kulankaasi laysla qaaday in ay guulo waawayn laga soo hooyay qorshihii  hayada  ee 4 rubux ee ugu danbeeyay iyo meel marinta hayaanka hirgalinta qorshayaasha horumarineed uu u yaala hayada adeega lacagaha yar yar DDSI.

Isku soo wada xooriyoo aas aaskii hayadan ayaa noqoday mid gashi horumarineed u noqoday guud ahaanba deegaanka waxayna intii ay jirtay  ilo shaqo u abuurtay dad daban oo markii hore danyar ahaa waxana xusid mudan in bilowgii sanadkan 248 haween ah oo laga soo xulay  gobolada deegaanka ay shaqo abuur u samaysay kuwaasi oo markii hore ahaa dad yar yar ah balse markii ay hayadani siisay fursada loogu abuurayo ila shaqo hadda siwayn uga faa’iidaystay fursadihii shaqo abuurida, noqdayna maanta kuwa ganacsiga meel aad u saraysa ka maraya.