Shir Loogu Diyaar Garoobayo Shirkii Arimaha Cadaalada Ee Heer Qaran Oo Magaalada Jigjiga Kadhacay Iyo Wasiiro Heer Federaal Ah Oo Kasoo Qayb Galay.

Jigjiga(CN) Sabti.Jan.03.2015, Deegaana Soomaalida Itoobiya ayaa taniyo wakhtigii ay hogaanka qabatay DDSI wuxuu deegaanku kaalin hormuudnimo ka noqday deegaanada dalka kadib markii lasugay nabadgaliyadii iyo horumarkii cirka kulaalaa muddooyin badan. Sida lawada ogsoonyahay wakhtigii xukuumadihii hore iskadaa in deegaanka guduhiisa arimo federaal lagaga hadlee waxaa xitaa magaalada Jigjiga uun ku koobnaa madax isku sheegtii fadhiidka ahayd ee xiligaas ka ariminasay.

Hadaba waxaa maalinba maalinka kadanbaysa isa soo jaraya kulamada iyo arimaha qaran oo uu deegaanku kaalin libaax kaga jiro. Deegaanka ayaa qabtay kulamo iyo arimo badan oo heer qaran ah sida shirwaynihii xooladhaqatada, maalintii qoomiyadaha, aminiga, iyo kulamo badan oo horumarineed oo ay ugu danbaysay shirwaynihii 4aad ee ladagaalanka HIV-ga oo toddobaadkan lagu qabtay magaalada Jigjiga.

Waxaa magaalada Jigjiga lagu qabtay shir loogu diyaar garoobayo shirka arimaha cadaalada oo uu hogaaminayo wasiirka cadaalada ee heer federaal mudane Getachew  Ambaye. Shirkan oo galabta kadhacay magaalada Jigjiga ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxda heer deegaan iyo kuwa heer federaal ah oo uu kamidyahay wasiir kuxigeenka arimaha federaalka mudane Mulugeta.

Shirkan arimaha cadaalada ayaa si heer qaran ah loogu qaban doonaa magalaada Jigjiga. Dhanka kale waxaa shirkan maanta kasoo qaybgalay wasiirka xuquuqul insaanka  waxaana shirkan garab socda tababar iyo aqoon iswaydaarsi kusaabsan arimaha xuquuqul insaanka.