Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Shir Horumarka Looga Arinsanayo Oo Bulshada Nawaaxiga Jigjiga Iyo Xukuumada Ah Ayaa Hadda Kabilaabanaya Tuulada Shabeeleey Ee Degmada Jigjiga.

Shabeeleey(CN) Sabti.Jan.03.2015,War hadda nasoo gaadhay ayaa sheegaya in goor dhaw uu kabilaabanayo Tuulada Shabeeleey shir balaadhan oo ay xukuumada iyo shacabku ka arinsanayaan arimaha horumarka iyo nabadgalyada.

Shirkan oo uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxaa shacab waynaha ree shabeeleey iyo nawaaxiga degmada Jigjiga ay xukuumada kawada hadlayaan sidii loo sii xoojin lahaa hawlaha horumarka iyo nabadgalyada ee deegaanka.

Shirkan oo aan dib idinka soo sheegi doono ayaa waxaa sidoo kale kasoo qaybgalaya hogaamin dhaqameedka sare ee deegaanka, salaadiinta iyo shacabwaynaha nawaaxiga degmada Jigjiga.