Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Munaasabada xuska dhalashada nabiga NNKH oo siwayn maanta jijiga looga xusay

Jigjiga(CN) Sabti Jan-03-2014.Iyada oo maanta siwayn guud ahaana caalamka islaamka siwayn looga dabaal dagayo munaasabada xuska dhalashada nabi Muxamed NNKH ee 12 bisha mowliid ee sanadka hijirada 1436 ayaa iyada oo guud ahaanba dalkeena itoobiya siwayn looga xusayo ayaa hadana maanta deegaanka laga xusay gaar ahaana caasimada deegaanka. Hadda Munaasabadii dabaaldaga dhalashada nabiga NNKH oo saaka ka dhacay hoolka shirarka ee SMCX ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwayne DDSI mudane cabdi maxamuud cumar, golaha capinetka golaha DDSI wasiirada, masuuliyiinta ugu saraysa golaha arimaha islaamka DDSI.

Qaybaha kale duwan ee bulshada sida odayaasha garaadada iyo suldaanada Munaasabadan oo ahayd mid si aad u qurux loo soo agaasimay ayaa waxaa ugu horayntii lagu furay nashiidooyin iyo xaadiisyo ka turjimyada taariikhdii nabigeena suuban NNKH iyo guud ahaanba nolosha macaan ee diinteena islaamka.

Waxaa ka hadlay ahmiyada ay maalintani u leedatay guud ahaanba caalamka islaamka gudoomiyaha arimaha islaamka DDSI mudane sheikh cabdirahmaan xusen wuxuuna si qoto dheer uga waramay iftiinta iyo nolosha macaan ee diinta islaamka taariikhtii macaanayd ee noloshii nabigeena NNKH waxaa kale oo uu sheekhu hoosta ka xariiqay in deegaanka somalida itoobiya guulo waawayn ka gaadhay dhinaca horumarinta diinta islaamka isaga oo sheegay in ay deegaanka ka jiraan in kabadan 5 kun oo masaajid .

Madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar ayaa ka soo jeediya khudbad dheer oo ku qotonta ahmiyada ay leedatay xusitaanka dhalashada Nabiga NNKH wuxuuna madaxwaynuhu ka warbixiyay cabaadisyadii yo cabudhiskii ee dalkeena itoobiya ay ku soo hayn jireen boqortooyadii iyo kaligii taliskii dhiigyo cabka ahaa kuwaasi oo shucuubta iyo qoomiyadaha dalka u diiday in ay horumariyaan diintooda dhaqankooda iyo noloshoodaba.

Waxaa kale oo uu madaxwaynuhu si balaadhan uga waramay doorka ay shacabka deegaanku ku lahaayeen halgankii xukunka lagaga tuuray kalidii taliskii iyo sidii ayna uga faa’iidaysan wakhtiyadii hore horumarkii ka jiray dalka iyada oo ay ugu wacnaayeen ururo nabad diidka oo siwayn uga curtay deegaanka iyo maamuladii xiligaasi oo ayna ka go’nayn in ay deegaanka gaadhsiiyaan horumar iyo nabadgalyo waarta.

Waxaa kale oo uu madaxwaynuhu tilmaamay in guulaha maanta deegaanka ka gaadhay dhinacyada nabadgalyada iyo horumarka ay kaalin mug leh ka qaateen hogaaminta arimiha islaamka DDSI