Deg Deg: Shir Kusaabsan Balaadhinta Fursadaha Shaqo Oo Loogu Yeedhay Dhamaan Ardayda Jaamacadaha Kasoo Qalinjabisay ee aan Wali Shaqo Bilaabin.

Jigjiga(CN) Isniin.Jan.05.2015, war hada naga soo gaadhay dhinaca xarunta dhexe ee XDSHSI ayaa sheegaya in ardayda jaamacadaha kaqalin jabisay loogu yeedhay shir balaadhan oo looga arinsanayo sii xoojinta fursadaha shaqo iyo kafaa'iidaysiga maskaxda iyo cududa dhalinta waxbaratay ee aan hada shaqo haynin.

Sida aan wada ogsoonahay XDSHSI ayaa taniyo sanadadii ugu danbaysay dadaal xoogan ugu jira balaadhinta fursadaha shaqo ee deegaanka oo loo furo qaybaha kala duwan ee bulshada haday tahay dhinaca haweenka iyo haday tahay dhinaca dhalinyarada oo ah cududa u badan ee deegaanka kashaqaysa wakhti xaadirkan.

Waxaa xusid mudan in shirkii EPRDF ee dhawaanta kadhacay magaalada Adama ee deegaanka Oromiya lagu amaanay XDSHSI guulo badan oo uu xisbigu soo hoyiyay oo ay kamid ahayd in deegaanka fursada ugu badan ee shaqo ay hayaan ama laga qaybgalaiyay cudud dhalinyaro oo aad u firfircoon kuwaas oo sabab u ah isbadalka xawliga ah ee maanta DDSI kamuuqda.

Hadaba warkan uu wariyaha CakaaraNews kasoo darsay dhinaca xarunta dhexe ee XDSHSI gaar ahaan xafiiska madaxa xarunta mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi ayaa sheegaya in uu jiro shir balaadhan oo kusaasan abuurista iyo shaqaalaysiinta ardayda aan wali shaqaynin iyo arimo laxidhiidha. Shirkan ayaa lagu wadaa inuu kaqabsoomo madasha SMCX maalinta arbacada ee fooda inagusoo haysa oo ku aadan 07 bishan January. Iyado o ay fursado u badan ee shaqooyinka kala duwan ay haatan hayaan dhalinyarada qaybaheeda kala duwan ayaa hadana waxaa jira qaar kamida ardayda qalin jabisa oo aan wali shaqo bilaabin sababo ay kamid yihiin xulashada goobaha ama noocyada shaqada taasoo guud ahaanba dalka iyo caalamkaba kajirata.

Sikastaba ha ahaatee XDSHSI ayaa dadaal aan joogsi lahayn ugu jira markasta danaha shacabkiisa iyo sidii uu deegaanku unoqon lahaa mid kudayasho mudan dhanka waxsoosaarka iyo kafaa'iidaysiga khayraadka iyo cududa awood ee shacabka.