Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kooxdii Masuuliyiinta Heer Deegaan ee 2da Bilood Ku Hawlanayd Mashaariicaha Dejinta Gobolka Afdheer oo Xaqiijisay in Barnaamijka Ka Faaiidaysiga Wabiyada iyo Dooxooyinku Sidii Loogu Talogalay uga Dhaqan Galay 9 Degmo.

Afdheer(CN) talaado jan-06-2014. Wariyaha Shabakada Cakaaranews ayaa Wax ka waydiiyay Masuuliyiintii heer deegaan ee mudooyinkanba kormeerka iyo Dardargalinta mashaariicaha waawayn ee ka faaiidaysiga Wabiyada iyo dooxooyinka Gobolka Afdheer lagu dejinayo Qoysaska si loogu abuuro Nolol xoolo-dhaqato beeralay ah oo u horseeda koboc dhaqaale Guud ahaan Dalka gaar ahaana Qoysaska naiibka u helay.

Hadaba Gudoomiyaha Kooxda Mudane Xasan Cabdiraxman Adan Mad,Wak, Aburka Xulka ah iyo Calafka Xoolaha ee DDSI ayaa yidhi"Kadib markii aan soo kormeernay islamarkaana soo dajinay qoysaskii qorshaysnaa ee dajinta 2007 ayaa waxaan xaqiijinay in uu qorshahaas ka dhaqan galay 9 ka degmo ee gobolka afdher ee dajinta.

Waxaa sidoo kale aan soo xaqijinay qoysaskii horay loo dajiyay ee sanadka 2003/2004/2005/2006 iyo faa’iidooyinka ay ka heleen wax soo saarka iyagoo sheegay in isbadal wayn oo dhanka nolosha ah ay bulshadu ka heleen nidaamka dibu u dajinta.

Waxaa kale oo aan goobihii dib u dajintu ka jirtay ee gobolka afdheer ka hirgalinay nidaamka qorshe ku dajinta qoysaska cusub iyo habaynta kuwii hore u daganaa islamarkaana aan siinay tababaro gaagaaban oo dhinaca adeeg bixinta, isku xidhka xirfadlayaasha goobaha dajinta ku qoran iyo maamulada qabaleyada kuwaas oo aan goob walba ku siinay wacyi galin iyo sii xoojinta ka midho dhalinta dib u dajinta iyadoo maamulada degmooyinka goob joog ka ahaayeen.

Masuulka oo sii watay hadalkiisa ayaa yidhi" Waxaa kooxdu si ka go’naansho leh uga hawl gashay nidaamka adeeg bixinta ee goobaha dajinta sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo beeraha.

Sidoo kale Waxay kooxdu si cilmiyaysan ugu kuur galeen nidaamka waraabinta dalaga iyo noocyada matoorada saaran beeraha islamarkaana xaqiijinay tayada kanaalada waraabka ee ku dayashada mudan sida Dollo Bay oo samaysay kanaalo dhererkoodu dhan yahay 675m guud ahaan oo laga sameeyey mashaariicaha degmada iyo xooga shacabka iyadoo degmooyinka kalena ay ku guda jiraan inay sameeyaaan kanaaladaas oo lagaga faa’iidaysan karo dhul baaxad weyn.

Isku Soo wada soohoo Gudigan ayaa ka soo dhalaalay shaqooyinkii iyo wakhtigii loo idmay kuwaasoo soo xaqiijiyay taabogalka maashaariicaha Dibudejinta Gobolka Afdheer ka socda kuwaasoo laga hirgaliyay 9 Degmo oo ka tirsan Gobolka.