Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxwaynaha DDSI Oo Kahadlay Ahmiyada Tababarka Wareega Afaraad Ee Hogaaminta Dhexe Ee Kasocda Kulliyada Maaraynta iyo Adeega Shacabka DDSI.

Jigjiga(CN) Talaado.Jan.06.2015, Tababarkan u bilaabmay hogaaminta dhexe ee deegaanka ayaa noqonaya wareegii afaraad ee tababarka hogaaminta oo taabanaya qorshayaasha iyo istaratiijiyadaha dalka iyo deegaanka oo darisaya dhinacyo badan oo ay kamidyihiin horumarka, nabadgalyada, isbadalka iyo koboca dhaqaalaha.

Tababarkan hogaaminta dhexe ee qaybaha kala duwan ee deegaanka ayaa waxaa maanta kahadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kahadlay ahmiyada tababarka, sidoo kale waxaa kasoo qayb galay hogaamin sare oo ay kamid ahaayeen madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka waxbarashada mudane Mowliid Haayir, madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirada madatooyada marwo Sucaad Axmed Faarax, madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed  iyo hogaamin kale.
Madaxwayne Cabdi Maxmuud Cumar ayaa ugu horayntii uga mahad celiyay xubnihii hogaaminta dhexe isagoo sheegay in uu tababarkani yahay wareegii afaraad ee hogaaminta fahan dheer kabixiyay ahmiyada tababarka uu u leeyahay wakhtigan oo ah muhiim maadaama uu yahay xili ladiyaarinayo qorshihii GTP, doorashada iyo horumarka oo larabo in lasii xoojiyo iyadoo ay hawlahaasi jiraan.

Madaxwaynaha oo ku dheeraaday qorshayaasha siyaasadeed iyo kuwa horumarineed ee XDSHSI ayaa sidoo kale kawar bixiyay doorashada islamarkaana sheegay in qorsha ahaan hogaaminta xisbigu ay kor u qaadayso kaqayb galka dumarka, iyo qodobo kale. Sidoo kale madaxwaynuhu waxaa hogaaminta u sharaxay qodobada lagu qaadanayo tababarka iyo sidii ay xubnuhu aqoon iswaydaarsi u helilahaayeen aqoon dheeraad ahna ay uga yeelan lahaayeen qorshayaasha siyaasadeed ee xisbiga iyo kuwa horumarineed.

Wuxuuna madaxwaynuhu u dardaarmay xubnihii hogaaminta dhexe ee tababarka in ay sida ugu haboon uga faa'iidaystaan si loogu dhaadhiciyo degmooyinka iyo qaybaha kale ee hogaaminta.
Tababarada hogaaminta ayaa waxay kamid yihiin dadaalada xisbiga ee ku aadan kobcinta garaadka siyaasadeed iyo fahanka buuxa ee u baahan in laga barto sooyaalkii deegaanka.