Wakaalada Xidhiidhka Qurbajoogta oo Casho-Sharaf ugu Sameeyay Hotel Nogob Xubno Qurba joogta Kasoo jeeda Degmooyinka Awbare iyo Danbal .

Jigjiga(CN) Talaado Jan-06-2014. Waxaa hubaala in Sanadihii ugu danbeeyay ee xidhiidhka iyo Wadatashiga Xukuumada iyo Qurbajoogta ka dhex abuurmay in ay kaalin xoogan ka galeen kobaca dhaqaale iyo shaqo abuurka DDSI kuwaasoo maalgashi wajiyo badan ka samaystay Deegaanka dhinacyada Beeraha,Warshadaha,Dalxiiska(Hotelada) Caafimaadka iyo Dhinaca Waxbarashada.

Hadaba Wakaalada Qurbajoogta oo sababihii loo aasaasay looga gol lahaa sugida ka warhaynta Xidhiidhka qurbajoogta ku baahsan Dacalada Dunida iyo u fududaynta Hawlaha iyo Maalgashiyadooda ayaa ku dhiirigaliya in ay qurbajoogtu maalgashadaan Deegaankooda xukuumaduna ay u heelan tahay hadba qaabilaada iyo u fududaynta shaqooyinkooda.

Habeenkii Xalay Ayaa Wakaalada Xidhiidhka Qurbajoogta DDSi ugu Hotel Nogob sameeyay Casho Sharaf waxaana Kasoo qayb galay Wasiirka Waxbarashada ahna Madaxwayne Kuxigeenka DDSI mudane Mawliid Haayir. Casho-shaaftan ayaa inta badan Golaha Capinetka DDSI ay ka soo qaybgaleen .

Masuuliyiinta Golaha Capinetka ee casho sharaftan ku sugnaa ayaa ay ka mid ahaayeen wasiirka cadaalada Ahna lataliyaha madaxweynaha Mudane Cabdi jamaal qalanbi dhinaca nabadgalyada wasiirka ka hortaga iyo udiyaar garowga masiibooyinka mudane Maxamed Daahir wasiirka adeega shacabka iyo Kobcinta Awooda Marwo maajida maxamed wasiirka Shaqaalaha iyo arimaha Bulshada bulshada wasiirka Hanti dhowrka Guud muadne Aadan Kuusow cali,Wasiirka Xafiiska Arimaha Bulshada mudane Axmed Koore,Wasiirka Iskaashatooyinka mudane Jamaal Cismaan iyo gudoomiyaasha Gobolada Qoraxay iyo Nogob.

Ugu Horayn ayaa waxaa casho Sharaftaa ka hadlay Mareeyaha Wakaalada xidhiidhka Qurba joogta Mudane Cabdi Bari isagoo is baray xubnaha Qurba joogta iyo Masuuliyiinta DDSI uu ugu Horeeyo wasiirka waxbarashada Ahna Madaxweynaha DDSI mudane Mawliid haayir ka dibna ka warbixiyay Doorka Qurbajoogtu ay ka qaataan Horumarka iyo Kobaca dhaqaalaha DDSI maadaama ay Qurbajoogtu maalgashiyo kala duduwan ka samaystay Deegaanka kuwaasoo Fursado shaqo u abuuray Dad badan oo ku ool DDSI.

Mudane C/bari Macalin ayaa ka warbixiyay ujeedada Socdaalka Qurbajoogtan oo ah Maalqabeeno maalgashi hore uga sameeyay Deegaanka dhinaca Beeraha eegana raba in ay maalgashi kale ku sameeyaan Waxbarashada iyo Technologiyada casriga ah islamarkaana ku hamiyaya in ay kaalin xoogan ka qaataan Horumarka iyo Kobaca Dhaqaale.

Madaxwayne kuxigeenka ayaa u mahadceliyay maalgaliyaashan kuna tilmaamay kuwo ka soo dhalaalay doorkii kaga aadanaa Horumarka iyo N/galyada Deegaanka maadaama marka horumar la helo nabadgelyana la heli islamarkaana sheegay in Xukuumada maantu ay u hanwayn tahay qurbajoogta iyo kaalintooda kaaga aadan kobaca dhaqaale iyo Horumarka Deegaanka taasoo lagu amaanayo Qurbajoogta sida geesinimada leh ee ay ugu soo dhiiradeen Maalgashiga Deegaanka fursado shaqana ugu abuureen shacabka DDSI.

Mudane Maxad Daahir Wasiirka Xafiiska Ka hortaga Masiibooyinka iyo u Diyaargarawga(DPPC) ayaa u mahadceliyay maalgaliyaayaasha kuna tilmaamay in ay door muhiim ah ka qaateen waxsoosaarka Beeraha lagu dhimayo cunto yarida iyo Gaajada.

Qurbajoogtan Maalgaliyayaasha ah ayaa kala ah 1- Ismaciil Cismaan Xuseen(Gudomiyaha Jaaliyada Harawa Community DV'T and Network of Ethiopai). 2-Xuseen Cige Faarax iyo 3-Aadan Maxamuud Yuusuf(kayd).