Wasaarada Caafimaadka DFI: Fiditaanka Cudurka TB Oo Aad U Yaraaday Sanadadii U Danbaysay.

Addis Ababa(CN) Khamiis.Jan.08.2014, wasaarada caafimaadka ee DFI ayaa sheegatay in sanadadii u danbaysay ay sanad walba yaraanaysay boqolkiiba ilaa 5 fiditaanka cudurka TB-da. Sidoo kale wasaaradu waxay cadaysay in fidista iyo dhimashada cudurka wakhti horeba isbadal wayn laga keenay iyadoon lagaadhin gabagabadii qorshaha 5ta sano ee isbadalka iyo koboca dhaqaalaha.

Isbadalaka ayay wasaaradu sheegatay in ay kadanbaysay dadaalkii dhanka caafimaadka iyo fahanka bulashada oo aad u sareeya. Cudurka TB ama qaaxada ayaa kamid ahaa 10 cudur ee wadanka dilaaga ka ah halka TB ay ahayd cudurka 3aad.

Wasaarada caafimaadka ayaa intaas kudartay in lagu guulaystay qorshihii ajisnaa 5ta sano oo aan waliba gabagabdii gabagabadii lagaadhin. Xakamaynta iyo kahortaga ku aadaan cudurkan TB ayaa shaqooyin muhiima laga qabtay sanadadii ugu danbaysay taasoo horseeday in lagaadho yoolkii laga rabay in lagaadho.