Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxda Urur Goboleedka IGAD Oo Shirkii Gaarka Ahaa ee 29aad Kuyeelan Doonta Magaalada Addis Toddobaadkan.

Addis Ababa(CN) Jimce.Jan.09.2015, shirka gaarka ah madaxda urur goboleedka IGAD ayaa toddobaadkan fooda inagusoo haya kadhici doona xarunta Addis Ababa, waana shirkii 29aad ee gaarka ah ee ay madaxda urur goboleedku yeeshaan.

Madaxa amniga ee urur goboleedka IGAD Ambasador Tewolde G/meskel ayaa u sheegay qaar kamida saxaafada dalka in 18 bishan January ee sanadkan uu dhacayo shirkii 29aad ee gaarka ah ee madaxda urur goboleedka IGAD. Wuxuuna sheegay in Koonfurta Suudaan ay soo dhigi doonto xaaladaha kusaabsan khilaafaadka dhexyaala wadankaasi.

Gaar ahaan wuxuu masuulku carabka kudhiftay in ay kamidtahay xaaladaha laga eegayo wadanka Koonfurta Suudaan in ay kamidtahay heshiisyada laxidhiidha xil qaybsiga qaybaha isku hayay khilaafka ee wadankaasi. Waxaana laga sugayaa qaybahaasi in ay soo bandhigaan xalka iyo heshiisyada laga gaadhi xil wada qaybsiga.

Khilaafka u dhaxeeya madaxwaynaha K.Suudaan Salva Kiir iyo kuxigeenkiisii hore Dr.Riek Machar ayaa qaatay  inkabadan muddo sanad ah. Waxaana khilaafkaasi intii uu bilaabmay qoxootinmo iyo daryeel xumo wax ugaadheen malaayiin halka ay dad lagu qiyaasay kumanaan ay kunafwaayeen wadankaasi K.Suudaan.