Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Hogaaminta DYSE oo Maanta Si Diiran Gagida Dayuuradaha Garaad Wiil-Waal ugu Soo Dhaweeyay Gudoomiyaha DYSE Laanta Canada.

Jigjiga(CN) sabti Jan-10-2015. Afhayeenka Ururka wadaniga ah DYSE Mudane C/salaan Carab Khuuriye oo ay wehelinayeen Xubno ka tirsan ururka iyo xubno qurbajog ah ayaa maanta gagida diyaaradaha caalamiga ah ee Garaad Wiil-Waal si diiran ugu soo dhaweeyay Gudomiyaha ururka DYSE laantiisa Canada mudane Maxamuud Cumar(Marqaan).

Mudane Marqaan ayaa aad ugu farxay sida qiimaha leh ee loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Wiil-waal ee caasimada magaalada Jigjiga,isagoona shucuur farxadeed ku muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay Dhulkiisa hooyo.

Dhanka kale mudane Maxamuud Cumar ayaa aad ula dhacay isbedelka iyo horumarka ka muuqday magaalada jigjiga sidoo kalana baaxada Ardayda Dugsiyada waxbarashada magaalada jigjiga .