Tababarkii Hogaaminta Dhexe ee Kasocday 10-ka Cisho Kulliyada Maaraynta DDSI Ayaa Maanta Lasoo Gabagabeeyay.

Jigjiga(CN) Isniin.Jan.12.2015, waxaa maanta lasoo gabagabeeyay tababarkii hogaaminta dhexe ee ka kala timid 4 maamul magaalooyin iyo 68 degmooyin ee DDSI kuwaas oo muddo toban cisho ah tababarku uga socday kulliyada maaraynta iyo addeega shacabka ee DDSI.

XDSHSI ayaa tababaradan kor ugu qaadaya garaadka siyaasadeed ee hogaaminta taasoo lagu kobcinayo fahanka aqoonta qorshayaasha iyo istaraatijiyadaha xisbiga iyo kan xukuumada.

Hadaba waxay hogaamintan dhexe ay maalmahan ku qaadanaysay tababarkan uu xisbigu qabtay macluumaad farabadan oo ay kamid ahaayeen qorshayaasha siyaasadeed ee xisbiga, sooyaalka deegaanka iyo xisbiga, istaratiijiyadaha horumarineed iyo kuwa siyaasadeed oo kor u qaadaya garaadka iyo fahanka hgaaminta.

Sidoo kale waxaa tababarkan uu isugu jiray qaybo kala duwan oo ay kamid ahaayeen khibrad wadaag iyo doo cilmiyeedyo ay hogaamintu soo bandhigaysay iyadoo ay xubnuhu koox koox iyo wada jirba u qaadanayeen macluumaadkii kala duwanaa ee qorshaysnaa.

Madaxwayne Kuxigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mowliid Haayir iyo masuuliyiin kale ayaa maanta kaqaybgalay gunaanadkii barnaamijkan tababarka halkaas oo uu madaxwayne kuxigeenka kala dardaarmay hogaaminta in siday tahay looga faiidaysto islamarkaana ladhaadhiciyo macluumaadkan oo lagaadhsiiyo hogaaminta kale.

Madaxwayne Kuxigeenka DDSI mudane Mowliid Haayir ayaa sidoo kale gudoonsiiyay abaalmarino xubnihii kaalmaha hore galay.

Tababaradan hogaaminta kala duwan ayaa waxay kamid yihiin dadaalada XDSHSI ee kadhanka ah kobcinta awooda hogaaminta ee kor loogu qaadayo garaadkooda siyaaasadeed iyo kan horumarineedba. Mana aha markii ugu horaysay ee uu xisbigu tababarkan oo kale qabto balse waa tababaro isdaba joog ah oo uu xisbigu u qabto hogaaminta kala duwan ee deegaanka.