Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxwaynaha DDSI Oo Maanta U Anbabaxay Xarunta Dalka Ee Magaalada Addis Ababa.

Jigjiga(CN) Arbaco. Jan. 14.2015, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud ayaa maanta ka anbabaxay magaalada Jigjiga ee xarunta DDSI islamarkaana gaadhay xrunta dalka ee magaalada Addis Ababa.

Socdaalkan madaxwaynaha ayay u jeedadiisu tahay shirka labaad ee bordhiga arimaha dalxiiska Itoobiya oo maalinta bari ah kadhici doona magalaada Addis. Shirkan guddiga arimaha dalxiiska oo uu madaxwaynuhu kamidyahay ayaa waxaa hogaaminaya raysal wasaaraha dalka mudane HaileMariam Desalegn.

Shirkan bordhiga arimaha dalxiiska Itoobiya ayaa diirada saaraya sii xoojinta sidii loo soo jiidan lahaa dalxiisayaasha imanaya dalka.

Waxaana xusid mudan in dalka Itoobiya uu kaali hore kaga jiro dalxiiska caalamka ee wadamada Afrika gaar ahaan bariga Afrika. Wuxuuna shirkani noqonayaa shikii labaad ee guddiga arimaha dalxiiska Itoobiya.