Xafiiska iskaashatooyinka DDSI oo kulan lagu sii xoojinayo horumarinta iskaashatooyinka la yeeshay madax xafiiseedyada iskaashatooyinka degmooyinka deegaanka,

Jigjiga(CN) Arbaco Jan-14-2015.Kulankaasi oo ka dhacay hoolka shirarka ee xafiiska iskaashatooyinka DDSI ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiirka iskaashatooyinka DDSI mudane Jamaal Cismaan Qorane, wasiir ku xigeenka iskaashatooyinka DDSI mudane cali ugaas cabdi iyo dhamaan madax xafiiseedyada iskaashatooyinka degmooyinka deegaanka.

Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo sii xoojin lahaa horumarinta iskaashatooyinka loona sii odorosi lahaa siiyaalada waxqabadka iskaashatooyinka ee mustaqbalka dhaw ay kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen kobaca dhaqaalaha dalka.

Shirkan ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay wasiirka iskaashatooyinka DDSI mudane Jamaal Cismaan Qorane wuxuuna ka warbixiyay dadaalada dheer iyo Dejinta Qorshayaasha Shaqo abuurka iyo kobaca dhaqaale ee ay xukuumadu ugu jirto la dagaalanka saboolnimada si loo kobciyo dhaqaalaha iyo heerka maaraynta nolosha bulshada iyo abuuritaanka ilaha shaqada taasi oo ay kaalin mug leh ku leeyihiin abuuritaanka iyo horumarinta iskaashatooyinka loona baahan yahay in kor loo sii qaado isku xidhka iyo horumarinta iskaashatooyinka DDSI. \

Waxaa kale dhankiisa ka hadlay wasiir ku xigeenka iskaashatooyinka DDSI mudane cali ugaas cabdi oo ka warbixiyay ahmiyada kulankaa kaasi oo ku tilmaamay in kulankan lagu ogaanayo heerka waxqabadka iskaashatooyinka degmooyinka si loo sii karaar galiyo iskaashatooyinka rubucyada soo socda.

Dhankooda madax xafiiseedyada xafiisyada iskaashatooyinka degmooyinka ayaa soo bandhigay warbixino ku taxaluqa waxqabadka iskaashatooyinka degmooyinka deegaanka