Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Inaalilaahi Wa inaa Ilayhi Raajicuun Xaaji Maxamed Muxumed Cigaal(Xaji Fure) oo Shalay Magaalada Jigjiga Ku Geeriyooday

Jigjiga(CT)Khamiis Jan-15-2015.Waxaa naxariistii jano alle ha ka waraabiyee shalay duhurkii ku geriyooday Xaaji Maxamed Muxumed Cigaal oo ku magac dheeraa Xaaji Fure Waxaanuna ilaahay uga baryaynaa marxuumka in uu naxariistii janatul fardawsa ka waraabiyo ehelkii,Qoyskii iyo caruurtii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo aamiin.

Maamulka iyo Shaqaalaha shabakada cakaaranews ayaa wadar ahaan tacsi u diraya Qoyskii iyo ehelkii uu ka baxay marxuumku.

F.G:- Marxuumka oo ka mid ahaa odoyaasha aadka looga qadariyo guud ahaan Deegaanka ahaana caadil u xaqsoora bulshada ayaanu Taariikh nololeedkiisa iyo Caruurtii iyo qoysaskuu katagayba dib idiinka soo qori doonaa hadii alle idmo.

 

Waxaa email nooga soo diray North America gaar ahaan Gobolka Minnesota magaalada Miniapolise Jaaliyaadka Gobolada Jarar iyo Nogob ee ku dhaqan Magaalada Minniapolise kuwaasoo tacsi tiiraanyo leh u diraya Qoyskii ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuum xaaji Maxamed MuxumedCigaal oo ku magac dheeraa xaaji furre.

Jaaliyaadka labada Gobol ee ku nool North America gaar ahaan Gobolka Minnesota ayaa ilaahay uga baryay in uu samir iyo iimaan ka siiyo Geerida ku timid Marxuumka Qaraabadii,Caruurtii,ehelkii iyo Qoysaskii uu ka baxay.Marxuumkana Janatul Fardawsa ka waraabiyo Aamiin Aamiin.