Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ku-Xigeenka Madaxwaynaha Ahna Wasiirka Waxbarashada oo Maanta xadhiga Ka Jaray 5 Qabalee oo Laga Dhamaystiray Barnaamijka Laydhgalinta Tuulooyinka.

 Jigjiga(CN) Sabti Jan-17-2015. Qorshaha GTP ee kobaca dhaqaalaha dalka iyo ka Deegaanka ayaa xooga saaray sidii guud ahaan Dalka gaar ahaana 9ka Gobol,68da Degmo iyo 4ta maamul magaalo ee uu Deegaanku ka kooban yahay sidii looga dhaqangalin lahaa barnaamijka laydhgalinta oo DDSI si fiican uga socda iyadoo ka sakow magaalooyinka waawayn ee laga hirgaliyay helida Quwada korontada in Tuulooyin badan laga hirgaliyay.

Maanta ayaa madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir oo ay wehelinayeen Madax kale oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka xafiiska kahortaga iyo udiyaargarawga Masiibooyinka mudane Maxamed Daahir iyo kuxigeenka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Warshadaha Axmed Shukri ay xadhiga ka jareen 5 mashruuc oolaydhgalin la dhamaystiray ah kuwaasoo laga hirgaliyay Qabaleeyada Garbi,Labashaad iyo Tuulada Qorjiile kuwaasoo ka tirsan Degmada qbayax.

Sidoo kale kuxigeenka madaxwaynaha mudane Mawliid Haayir ayaa xadhiga maanta ka jaray helida laydhka Tuulooyinka Daadhi iyo Duud-caasi oo hoostaga maamulka Degmada Jigjiga ee Gobolka Faafan.

Siduu noo sheegay kuxigeenka xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo Warshadaha Mudane Axmed Shukri Waxaa barnaamijka Hirgalinta Quwada Korontada oo dhamaad ku dhaw maalmahana xadhiga laga jari doono kana mid yihiin Tuulooyinka Caanood iyo Ceel-baxay oo ka tirsan Degmada Baabile,Tuulada Tiqdham oo ka tirsan Degmada Gursum iyo Tuulada Garsaalay oo dhamaantood Gobolka Faafan ah Xadhigana laga jari doono maalmaha fooda inagu soo haya.Waxaa iyaguna dhmaad ku dhaw Magaalada Dhagaxmadow oo Gobolka Jarar ah iyo Degmada Gorabaqaqsa oo Gobolka Afdheer ah.