Madaxa arimaha siyaasada ee Xarunta Dhexe ee XDSHSI oo ka warbixiyay dadaalka uu xisbigu ugu jiro shaqo u abuurida Ardayka Ka Soo Qalin jabisa Jaamacadaha kala duwan ee Dalka Sanad Kasta.

Jigjiga(CN) sabti Jan-17-2015. Mar uu warihaya shabakada wararka ee cakaaranews booqday xarunta dhexe ee XDHSI ayaa waxa uu la kulmay arday badan oo dhukumantiyadoodii waxbarasho ku wada xarunta dhexe wuxuuna warihiyu waydiiyay waxa ay dhukumantigooga u keenan xarunta, Waxayna ardaydu sheegeen in ay markii ay soo dhamaysteen sanadkan waxbarashadoodii heer jaamacadeed ay hogaaminta xisbigu ugu yeedhay ardaydan in ay shaqaalaysiinayo islamarkaana kulamo la yeesheen waxayna tilamaameen ardaydani in ay durba la shaqaalaysiiyay oo laqu qaray goobo ka mid ah deegaanka.

Masuulka oo sii wata hadalkiisii ayaa yidhi "Si aan arikaasi xog dheeriya ugu helno ayaa waxaan xafiiskiisa ku booqanay madaxa arimaha siyaasada ee XDSHSI mudane Cumar Maxamuud Cabdi wuxuuna sheegay in xisbigu sanadihii ugu danbeeyay dadaalo dheeriya ugalay sidii loo tir tirilahaa saboolimada korna loogu qaadilahaa koboca dhaqaalaha deegaanka, Wuxuuna sheegay in sanadkasta ardayda ka so qalin jabisa jaamacadaha dalka uu shaqaalaysiiyo xisbigu sanadkana ardaydii ka so qalin jabisay jaamacada dalka oo dhanayd 300 oo arday hadda uu xisbigu ku guda jiro sidii loo shaqalaysiin lahaa.

Dhanka kale mar uu wariyuhu waxka waydiiyay madaxa arima siyaasada ee XDHSHI in uu nooga warbixiyo halka ay marayso diwaangalintii doorshooyinka ayaa waxa uu noo sheegay in ay guud ahaanba deegaana si habsamiya uga socoto diwaan galinta doorashooyinku dhamaan gobolada iyo degmooyinka deegaankaba ilaa hadana ay qaadeen kaadhka diwaangalinta doorshadada 1,411,857 (hal milyan afar boqol kow iyo tobon kun sideed boqol konton iyo todoba qof)