Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Shirkada Diyaaradaha Itoobiya Oo Markii Ugu Horaysay Qaarada Afrika Yeelatay Qalab Loo Isticmaalo Tababarista Hababka Duulimaadka Ee Diyaaradaha Boeing 787 Dreamliner-ka.

Addis Ababa(CN) Axad.Jan.18.2015. Shirkada diyaaradaha Itoobiya oo kaalin hore kaga jirta qaarada Afrika ayaa markasta balaadhinaysa horumarka casriga ah ee duulimaadyada diyaaradaha.

Waxay shirkada diyaaradaha Itoobiya markii ugu horaysay yeelatay qalab loo yaqaano Simulator oo loo adeegsanayo matalida hababka duulimaadyada ee diyaaradaha noocoodu yahay Boeing 787 Dreamliner-ka. Qalabkan oo lagu jiro rakibaadii iyo diyaarintiisa ayaa duuliyaasha lagu bari doonaa habka kala duwan ee duulimaadka diyaaradaha gaar ahaan xirfada gudaha ee diyaarada kuwaas oo qaab matalaad ah loogu bari doono.

Madaxa maamulka waaxda culuunta duulimaadyada mudane Samuel Asefa ayaa wakaalada wararka Itoobiya ee ENA ugu waramay in duuliyaasha ugu horeeya ee qalabkan ay bilaabi doonaan bisha May ee sanadkan 2015.

Mudane Samuel wuxuu intaas kudaray in shirkadu ay qorshaysnayd hirgalinta mashaariic badan oo ay kubaxayday 80 milyan oo doolarka maraykanka ahkuwaas oo wakhti xaadirkan boqolkiiba 90 ladhamaystiray.

Waaxdan barashada culuunta duulimaadyada ayaa hada awood u leh in ay qaabisho 1 kun oo arday waxayna sheegtay in ay kuhawlantahay gaadhsiinta qaabilaada tirada arday kabadan 4 kun sanadka 2025 G.C.