Wasaarada Arrimaha Dibada Ee DFI Oo Sheegtay In La'ansixiyay Xuska Maalinta Qurbajoogta.

Addis Ababa(CN) Axad.Jan.18.2015, wasaarada arrimaha dibada ee DFI ayaa sheegtay in la ansixiyay go'aanka maalinta xuska qorbajoogta oo laga dhigay 10 bisha tobnaad ee Sane tirsiga dalka oo ku aadan 18 bisha June ee tirsiga milaadiga.

Waxaa lasheegay in xusida maalin u gaar ah qurbajoogta u dhalatay wadanka Itoobiya ay kor u qaadi doonto kaalinta ay qurbajoogtu kuleedahay kaqayb-qaadashada hawlaha horumarka ee wadanka. Sida uu sheegay directorka arimaha kaqayb-galka qurbajoogta ee wasaarada arrimaha dibada Gen.Faysal Caliyu go'aankan xusida 10-ka bisha Sane ayaa lagaadhay kadib markii ay ka doodeen xubno katirsan safaaradaha, qunsilada iyo ururada jaaliyaadka ee kusugan dalka dibadiisa.

Waxaana lasheegay in doodan iyo kawada hadalka maalinta laga dhigayo xuska qurbajoogta ay kamid ahayd 10-ka bisha Meskeram iyo 6-da bisha Tir balse lago'aamiyay 10-ka bisha Sane oo ay qurbajoogtu dooratay.

Hadaba waxaa maalinta 10-ka bisha Sane loo doortay maadaama ay xidhan yihiin dugsiyada wadamada waqooyiga Ameerika iyo Yurub oo la aaminsanyahay in ay waalidku caruurtooda u helyaan fursad ay kubaraan dalkooda ay u dhasheen.

Xuska maalinta qurbajoogta ayaa danta ugu wayni tahay sidii loo aqoonsan lahaa caawinta qurbajoogta ee horumarka dalka,  in ay isku aqoonsadaan qurbajoogta u dhalatay dalka ee ku kala nool dunida dacaladeeda iyo sidii ay uga arinsan lahaayeen horumarka dalkooda.

Qurbajoogta u dhalatay wadanka Itoobiya ayaa kaalin laxaad leh kaqayb qaadata hawlaha horumarka iyo nabadgalyaa dalka, waxaana xusid mudan in qurbajoogta u dhalatay deegaanka Soomaalida Itoobiya ay kaalin hormuudnimo kaga jirto taageerada hawlaha horumarka iyo nabadgalyada ee dalka iyo deegaankaba.