Madaxwaynaha DDSI Oo Maanta Dib ugu Soo Laabtay Xarunta DDSI ee Magaalada Jigjiga.

Jigjiga(CN) Talaado.Jan.20.2015, Waxaa goor dhawayd garoonka caalamiga ah ee Garaad Wiil Waal Airport kasoo dagay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo masuuliyiin wahelinaysay oo kayimid dhinaca xarunta dalka ee Addis Ababa.

Madaxwaynaha ayaa hawlo shaqo ugu maqnaa magaalada Addis Ababa kuwaas oo uu madaxwaynuhu soo dhamaystay, hawalahaas shaqo oo shirar u badnaa ayaa waxaa kamid ahaa shirkii labaad ee golaha arrimaha dalxiiska Itoobiya oo uu madaxwaynuhu kamidyahay.

Shirkaas oo uu hogaaminayay raysal wasaaraha DFI mudane Hailemariam Dasalegn ayaa waxaa kasoo baxay go'aamo kor u qaadaya heerka dalxiiska Itoobiya oo haatan kaalin hore kaga jirta qaarada Afrika. Waxaana shirkaasi si gaar ah looga hadlay sii xoojinta ilaalinta goobaha taariikhiga ah iyo seerooyinka durjoogta kala duwan ee dalka iyo deegaanada.