Maamulka Degmada Daroor Ee Gobolka Jarar ayaa soo Gabagabeeyay Mashaaricihii sanadkan 2007 Gaar ahaan biyo Ururinta.

Daroor(CN)Talaado Jan-20.2015. Degmada Daroor ee Gobolka jarar ayaa waxaa sanadmiisaaniyeedka 2007 uqorshaysnaa 11 baraagood oo ah kuwa Roobka lagu kaydiyo kuwaas oo wakhti xaadirkan lasoogabagabeeyay islamarkaana xadhiga laga jaray. Waxaana Munaasabadadii Xadhiga lagaga jarayay Baraagahan kasoo qaybgalay Maamulka Degmada oo uu Horkacaayay Gudoomiyaha degmada daroor mudane Cabdilaahi sheek faarax oo ay Wahelinayaan Madax xafiiseedka biyaha degmada Daroor iyo Bulshada qaybaheeda kaladuwan ee kudhaqan santarka kaam iidle

Gudoomuyaha dagmada daroor mudane cabdilaahi sheekh faarax oo baraagahani xadhiga kajaray ayaa sheegay in baraagahani door muhiima ay kaqaadanayaan qorshayaasha kor loogu qaadaayo adeega biyaha nadiifta ee bulshada loogaga faaiidaynaayo iyada oo lagu kaydinaayo biyaha roobka oo bulshada usahlaaya in goobaha ay kudhaqanyihiin in ay kahelaan biyo nadiifa.

madaxa xafiiska khayraadka biyaha dagmada daroor mudane cabdilaahi mukhtaar ayaa isaguna bulshada kuladardaarmay in ay kafaaiidaystaan islamarkaana ilaashadaan baraagahan i hada ladhamaystiray , shacabka kudhaqan santarka kaam iidle ee katirsan dagmada daroor ayaa cadeeyay in ay aad ugu faraxsanyihiin islamarkaana ilaashan doonaan iyaga oo kafaaiidaysanaya adeega biyaha Nadiifta ah.

Hadaba barnaamijka biya ururinta ayaa ah mid sanadihii udanbaysay bulshadu ay ka faaiidaysteen kaasi oo ah mid lagu xaqiijinaayo Horumarinta biyaha Nadiifta deegaanka.