Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Golaha Guurtida Sare Ee Deegaanka Oo Kulan Balaadhan Isugu Imanaya Xarunta DDSI Ee Magaalada Jigjiga

Jigjiga(CN) Talaado.Jan.20.2015, Sida ay kusoo waramayaan  wariyaasha shabakada cakaaraNews ee xarunta magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in ay odoyaasha iyo wax-garadka deegaanku shir balaadhan kuyeelanayaan magaalada jigjiga. Shirkan oo ay kasoo qayb galayaan odoyaasha iyo waxgaradka qaybaha kala duwan ee deegaanka ayaa sidoo kale waxaa kasoo qayb gali doona, salaadiinta,  aqoonyahanka iyo maamulada qaar kamida deegaanka.

Shirkan odoyaasha iyo wax-garadka deegaanka oo lafilayo inuu bilaabmo galabnimada maalinta bari ah ayaa looga arinsanayaa arrimo ay kamid yihiin xoojinta nabadgaliyada iyo ladagaalanka argagixisada Alqushaash ee saamaynta kuleh bariga Afrika, qorshaha labaad ee isbadalka iyo kobaca dhaqaalaha (GTP-2), dumarka iyo arimaha doorashooyinka ee XDSHSI, wax-qabadka xukuumada iyo qodobo kale.

Iyadoo ay xukuumadu qabato sanadwalba shirwayne caadi ah oo ay kudhan yihiin guurtida, shacabka iyo xukuumada islamarkaana wada tashi balaadhan uu dhex maro, ayaa shirkani wuxuu kaga duwan yahay kuwaas caadiga ah iyadoo lagu jiro dhamaadka qorshihii koobaad ee GTP islamarkaana lagalayo bilowga qorshaha cusub ee GTP- 2.

Xukuumada DDSI ee uu hogaaminayo XDSHSI ayaa markasta caado u leh wadatashiga waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo kaalin muhiima ah kaga jira fulinta qorshayaasha deeegaanka. Shirkan odoyaasha ayaa lafilayaa in ay kasoo baxaan go'aamo wax ku'ool ah oo karaar siin doonaa hawlaha horumarka iyo nabadgaliyada deegaanka.