Itoobiya Iyo Turkiga Oo Kuheeshay Koru-Qaadista Xidhiidhka Ganacsi Ee Kadhaxeeya.

Addis Ababa(CN) Khamiis.Jan.22.2015, wadanka Itoobiya iyo dalkaasi Turkiga ayaa maanta qalinka ku duugay heshiis kor uqaadaya ganacsiga soo jireenka ah ee kadhaxeeyay labada dal. Madaxwaynaha wadankaasi Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo safar booqasho ah kujoogay dalka Itoobiya ayaa maanta heshiiskani la qaatay madaxda sare ee dalka Itoobiya.

Madaxwaynahan Turkiga ayaa kulamo layeeshay madaxwaynaha DFI mudane Mulatu Tashome iyo raysal wasaaraha DFI mudane Hailemariam Desalegn halkaas oo lagaga wada hadlay arimo ay kamid ahaayeen ganacsiga, sayniska iyo farsamada casriga ah, dalxiiska iyo arimo laxidhiidha nabadgaliyada.

Labada dal ayaa heshiis ku gaadhay xoojinta arimaha ganacsiga, ladagaalanka argagixisada iyo arimo kale. Itoobiya oo ugu horaysa wadamada caalamka dhanka wada noolaanshaha diimaha ayuu madaxwaynuhu sheegay in Turkigu uu kacaawinayo misaajidka taariikhiga ah ee Al-Najjaashi ee dalkan Itoobiya.

Madaxwayne Erdoğan oo lafilayo inuu fiidnimada caawa ka anbabaxo dalka Itoobiya ayaa socdaalkiisan booqasho ku gaadhaya wadamada Jabuuti, Tanzania, iyo Somaliya oo lafilayo inuu booqan doono. Wuxuuna ku horaynayaa madaxwaynuhu dhinaca dalka Jabuuti.