Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xuska Munaasabada Tir-15-keeda Oo ah Maalintii Ugu Horaysay Ee Dhidibada Lootaagay DDSI Ayaa Maanta Si-balaadhan Looga Xusay Caasimada Deegaanka Ee Jigjiga.

Jigjiga(CN) Jimce.Jan.23.2105, Iyagda oo maanta guud ahaanba si balaadhan looga dabaal dagayo deegaanka xuska munaasabada 15-ka bisha Tir ayaa waxa ay xaflad balaadhan oo munaasabadan loogu dabaal dagaya ka dhacay hoolka shirarka ee SMCX.

Hadaba xuska munaasabada oo ahayd mid si aad u qurux badan loo soo gaasimay ka soo qayb galay masuuliyiinta xukuumada ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaya DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar golaha capinetka golaha wasiirada shaqaalaha xafiisyada heer deegaan odaayaal dhaqameedka culimo aw diinka iyo  marti sharaf kale.

Waxaana munaasabadaasi ugu horayntii ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo si qoto dheer ugu nuux nuuxsatay ahmiyada ay maalintani leedahay xusitaankeeduna uu yahay maalin ku wayn quluubta shacabka deegaanka.

Wuxuuna sheegay madaxwaynuhu in ay Tir-15-keedu tahay maalintii ay shacabka  DDSI heleen xuquuqihii sida wayn uga maqnaa kan bexeen cadaadisyadii faraha badnee ee ay ku hayn jireen xukuumadihii hore ee kalidii tasiyada ahaa kuwaasi oo dhibaatooyin ba-an ku hayn jiray guud ahaanba shacabwaynaha dalka itoobiya taasi oo ay deegaanka soomalida u sii dheerayd cadaadisyo gaar ah. Madaxwayanah oo hadalkiisa sii wada ayaa sheegay in ay tahay maalintii dhitidaba loo taagay dawladii ugu horaysay ee deegaanku yeelato.

Sidoo kale waxa uu madaxwayuhu tilmaamy in ay munaasabadani xuska munaasabadani maanta ku soo beegantay xili uu deegaanku si buuxda uga midho dhaliyay dhmaanba qorshayaasha horumarineed iyo dhamaadka qorshihii shanto sano oo noqday mid sidii loo qorsheeyay loo hirgaliyay iyo waliba u diyaar garowga qorshaha shanta sano ee so socda. Sidoo kalena ay ku soo beegan tahay xili uu sibalaadhan loogu diyaar garoobay doorashooyinka qaranka.

Munaasabadan ayaa waxaa intii ay socoday odayaal iyo siyaasiyiin goob joog u ahaa 15-Tir markii dhitibada loo taagay dawladii ugu horaysay ee DDSI kuwaasi oo u durugsan uga warbixiyay  yoolyaalkii taariikheed iyo isbadalkii siyaasadeed ee uu deegaanku soo maray iyo heerka maanta la taagan yahay loona baahan yahay in halkaasi laga sii wada  hirgalinta talaabooyinka hore u socodka horumarineed.