War Deg-Deg Ah: Madaxwaynaha DDSI Iyo Masuuliyiin Sare Oo Wahelinaysay Ayaa Saaka U Kicitimay Deegaanka Canfarta Oo Lagu Qabanayo Xuska Qaran ee Maalina Xoolo-Dhaqatada.

Jigjiga(CN) Sabti.Jan.24.2015, war hada kusoo dhacay qaybta wararka ee shabakada CakaaraNews ayaa sheegaya in madaxwaynaha DDSI iyo masuuliin sare oo heer deegaan ah ay ka anbabaxeen xarunta magaalada Jigjiga islamarkaana uga kicitimay dhinaca deegaanka Canfarta.

Warkan ayaa sheegaya in madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxmuud Cumar iyo madaxwayne kuxigeenkiisa mudane C/xakiim Cali Cigaal ay goor dhawayd ka anbabaxay magaalada Jigjiga iyagoo u jihaystay dhanka deegaanka Canfarta oo lagu qabanayo xuska qaran ee maalinta xoolo-dhaqarada ee Itoobiya oo kadhacaysa magaalada Samara maalinta Axada ee bari ah.

Maalinta xoola-dhaqatada ayaa ahmiyad wayn u leh dalka Itoobiya gaar ahaan deegaanada xoola-dhaqatada u badan ee Soomaalida yo Canfarta.