Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ubbay Mustafe Haybe Oo Indhaha Loo Shiday "Ubbo Fii Ubbo Waliba SSI Fii Daalac"

Sibi-Barqamaal(CN) Talaado.Feb.03.2015, Shuftaygan Mustafe Haybe oo ahaa dhiig yacab xasuuqyo badan kagaystay shacabka deegaanka gaar ahaan gobolka Nogob ayaa maanta indhaha loogu shiday dhulka loo yaqaano Bali qabriyaale oo katirsan qabalaha Barqamaal ee Sibi halkaas oo kala badha degmada Garbo iyo Sagag.

Ubbaygan ayaa ahaa ninkii gacantiisa kudilay gabadhii sideeda caruurta ah lahayd ee la odhan jiray Cibaado ee ree sagageedka ahayd, baskii Fiiq ee dadka lagu laayay,  wuxuu xasuuqyo badan kagaystay Dhuxun, Iimey Bari, Garbo, Galaalshe, Fiiq, wuxuu galay oo laayay dadkii lagu laayay Dhooba wayn iyo guud ahaanba gobolka Nogob.

Hadaba Ubbaygan ayaa waxaa maanta Indhaha u shiday duco qabayaasha sida raha u booda ee  uu ilaahay aqoonta u siiyay urinta raadka wax Alla wixii nabadiidka ah oo katirsan rajmantiga sagaalaad ee ciidamada gaarka ah ee DDSI.

Sida aan kahelnay xogaha naga soogaadhaya shacabka deegaankaasi Barqamaal iyo dad ka agdhaw ciidamada gaarka ah ee Liyuuga, qorshahan ayaa ahaa mid cilmiyaysan oo uu baadhitaankiisu socday muddo 13 cisho ah aaga u dhaxeeya dhuxun, garabo iyo sagag.

Ciidamada oo baadhitaan cilmiyaysan kawaday aagaasi ayaa markii ay kasoo baxee Degmada Dhuxun waxay soo gaadheen Garbo iyagoo intaas oo dhan lasocday raadka qorshahan. Sikastaba ha ahaatee geesi wiil ah oo kamid ahaa ciidanka madaalayaasha ma nastayaasha ee rafaadka, daalka iyo hayaanada dheer ee hadh iyo habeen aan kala go’lahayn ayaa barqanimadkii saaka indhaha u shiday shuftaygaas dhiig yacabka ah.

War kan oo hada naga soo gaadhaya rajmantiga sagaalaad ee ciidama gaarka ah ayaa sheegaya in qorshahan lagu dilay dhiig yacab Mustafe Haybe in ay hogaaminyaeen dadka xoola dhaqatada ah ee deegaanadaasi Nogob kuwaas oo ahaa dadkii uu horay sid naxariis darada ah u gumaadi jiray islamarkaana xoolahooda u dhici jiray.

Qorshahan ay sida tooska ah u hagayeen xoolo dhaqatada uu dhici jiray Ubbay Mustafe ayaa lagu qabtay isagoo ku mashquulsan hantidii uu shacabka ka dhacay ee lagu raad hayay. Waxaana si kadis ah ugu soo baxay wiilkii geesiga ahaa oo amar ku bixiyay “Aabo Aabo Giraa Naa Qanyi” hadalkaas oo ahaa kii ugu danbeeyay ee uu maqlo kasakow shanqadhii xabada ee bogiisa haleeshay Shuftay Mustafe markii uu geesiga wiilka ahi lahadlayay gaantadii hawsaha fulisay.

Cashirkan sayniska ah ee UBBO lasiiyay ayaa kusoo beegmay xili meel lasaaray xagjirnimadii Alshabaab oo laga xidhay shirkadii SAAD iyo teedii daawadaba. Marka waxaan leenahay : UBBO Fii UBBO Waliba SSI Fii Daalac !!. Waxaana arintan lagu macsuumay C/booliyo Cagamardaf Cumar Dacay.

Yetaa baataa Juu !!!