Gudiga Doorashooyinka Qaran Oo Xaliyay Carqaladaii Kala Haysatay Qaar Kamida Xisbiyada Mucaaradka Heer Federaal.

Jigjiga(CN) Talaado.Feb.03.2015, Bordhiga Doorashooyinka Qaran ayaa xal kagaadhay is-qab-qabsi u dhaxeeyay qaar kamida xisbiyada mucaarada ee u tartamaya doorashada qaran ee 2007-da T.I. kadahacaysa dalka Itoobiya.

Iyadoo lagaadhay wakhtigii ay xisbiyadu soo diyaarsan lahaayeen musharixiintooda ayaa waxaa dhawaanahanba khilaaf kadhex taagnaa qaar kamida asxaabta mucaaradka ah ee latartamaya xisbiga talada haya ee EPRDF. Wuxuuna sababay khilaafkaasi kataagnaa xisbiyadaa mucaaradka in ay u kala jajabaan ilaa 4 xisbi islamarkaana wakhti lasiiyay in ay ku xalistaan.

Hadaba guddiga doorashooyinka ayaa kasaaray qaar kamid ahaa kuwii cusbaa ee kajajabay xisbiyada kale ee mucaaradka, waxaana lagu diiday kadib markii ay nidaam sharci daro ah layimaadeen. Waxuuna Bordhigu si sharciya u ansixiyay labada xisbi ee kala ah All Etiopian Unity Party iyo Unity For Democracy and Justice Party. Waxaana meesha laga saaray labadii kooxood ee ay hogaaminayeen Maamishet Amare iyo Ato Belay Feqadu.

Hadaba labadan xisbi ee sida sharciga ah loo qaatay oo kala ah 1) All Etiopian Unity Party oo uu hogaaminayo Mr.Abebaw Mahel iyo 2) Unity For Democracy and Justice Party ee Mr. Tigistu Awolu ayaa hada codsaday in loogu daro wakhti ilaa 3 cisho maadaama ay isqab qabsi ku mashquul sanaayeen, iyadoo aan la ogayn in laga yeeli doono iyo in kale.