Dood Cilmiyeed Balaadhan “Panel Discussion” Uu Kasoo Qayb Galay Dr. Debresiyon G/michael Oo Leh Awood Raysal-wasaare kuxigeen Iyo Madax Sare Oo Saraakiil iyo Masuuliyiin Isugu Jira Ayaa Saaka Kafurmay Hoolka SMCX.

Jigjiga(CN) Arbaco.Feb.04.2015, Waxaa saaka madasha shirarka ee SMCX kafurmay dood cilmiyeed balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay kaasoo ay kasoo qayb galeen Dr. Debresiyon G/michael oo leh awood r/wasaare kuxigeen ahna isuku duwaha qaybta maaliyadaha iyo dhaqaalaha ahna wasiirka isgaadhsiinta iyo farsamada casriga ah, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne kuxigeenada iyo masuuliyiinta deegaanka, taliyaha guud ee bariga Itoobiya  Lieutenant General Abraham W/mariam, saraakiisha ciidanka qaranka iyo ciidamada gaarka ah, booliska, waxgaradka iyo shaqaalaha dawlada.

Panel-kan ama Dood-Cilmiyeedkan oo kamid ah dabaal daga maalinta ciidanka qaranka dalka oo ku aadan maalinta jimcaha ee fooda inagu soo haysa ayaa ahaa mid lagaga wada xaajoonayay waxqabadka, xaalada nabadgaliyo iyo horumar, ahmiyada iyo sooyaalka ciidanka qaranka ee dalka islamarkaana deegaanka Soomaalida Itoobiya aad loogu amaanay nabadgaliyada iyo horumarka iyadoo shacabku uga mahad celiyeen ciidanka qaranka ee dalka.

Waxaana si qoto dheer uga hadlay ahmiyada ciidanka qaranka Dr. Debresiyon G/michel oo sheegay in ay maalinta ciidanka qaranku ay tahay maalin dhamaanteen aynu leenahay oo ahmiyad  gaar ah siinaysa doorka iyo wax qabadka ciidanka qaranka.

Wuxuu sheegay Dr. Debrisyon in xuskan oo ah kii 3aad labilaabay sanadkii 2005ta ee tirsiga dalka waxaana xusid mudan ayuu yidhi Dr. Debresiyon in faaiidooyinka iyo heerkan aan maanta gaadhnay ay udub dhaxaad u yihiin ciidankeena qaranka. Wuxuu kawar bixiyay halyayda geesiga ah ee naftaooda u huray shacabkooda.

Mar uu kahadlay sharafta iyo ixtiraamka ay ciidanka qaranka Itoobiya ku leeyihiin caalamka ayuu sheegay in afrika ay ugu horeeyaan taasina ay tahay maadaama ay leeyihiin aragti shacab, waxay ciidanka Itoobiya wadamada caalamka kayihiin Ambasaador iyadoo markasta lacodsado ciidamada Itoobiya oo ay dalalku dhibaataysani codsadaan iyadoo ay jiraan ciidamo tiro iyo tababarba kabadan ayuu yidhi Dr. Debresiyon.

Dr. Debresiyon oo aad u bogaadiyay horumarka iyo nabadgaliyada uu deegaanka Soomaalida Itoobiya maanta gaadhay ayaa tusaalooyin cad cad u soo qaatay in isbadalka iyo guulaha lagu gaadhay markii ay shacabku salfiga dagaalka galeen ee ay lahaansho dareemeen. Masuulka ayaa sheegay in ciidanka qaranka iyo ciidamada gaarka ah ee Liyuugu ay guushan ku hanteen kalsoonida shacabka.

Dhanka kale waxaa iyaguna si balaadhan uga hadlay waxgaradka iyo dhalinyarada ahmiyada iyo doorka uu kufadhiyo ciidanka qaranku iyadoo ay shacabka deegaanku aad ugu mahad celinayeen ciidamada qaranka iyo dhamaan haayadaha nabadgaliyada oo maanta guushan horseeday. Waxgaradka deegaanka ayaa ka makhraati kacay wax qabadka baaxada wayn ee ciidanka qaranka kuwaas oo dhiig iyo dhididba u huray hirgalinta nabadgaliyada iyo mashaariicaha waawayn ee horumarineed.

Odoyaasha deegaanka ayaa sheegay in halyeeyada ciidamada qaranka iyo ciidamada gaarka ah ee DDSI ay guulo taariikhi ah u soo hoyiyeen deegaanka iyagoo sheegay soona bandhigayay waxqabadkii u danbeeyay ee ciidanka booliska gaarka ah kuna tilaamay inay yihiin kabihii shacabka. Waxayna odoyaashu aad usoo dhaweeyeen gacantii qabatay hadhaagii ugu danbeeyay ee ubbo oo ahaa ninkii shalay lay Ciidanka aarka ah ee Liyyugu ku dileen deegaanka katirsan Nogob kaasoo lagu magacaabi jiray Dhiigyacab Mustafe Haybe

Barnaamijkan oo maanta niskii hore oo dhan kasocday madasha shirarka ee SMCX ayaa sii soconaya ilaa galabta iyadoo ay jiraan barnaamijyo kala duwan oo ay xukuumada iyo ciidanka qaranku hogaaminayaan islamarkaana soconaya ilaa maalinta 29-ka bisha Dir ee ku aadan jimcaha saadanbe ah.