Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Deg Deg: Waxaa Si Toos Ah Uga Socda ESTV Munaasibada Qaran Ee Maalinta Ciidanka Qaranka Oo Kasocota Garoonka Wayn Ee Magaalada Jigjiga.

Jigjiga(CN) Jimce.Feb.06.2015, Waxaa sitoo ah uga socda talefeeshinka DDSI ee ESTV munaasibada maalainta ciidanka qaranka oo lagu xusayo garoonka wayn ee magaalada Jigjiga.

Waxaa goordhow khudbado kasoo jeedinaya madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar,  Wasiirka wasaarada Gaashaandhiga mudane Siraj Fegaysa iyo madax kale.

Waxaa kamuuqata karoonka Jigjiga oo hada kusugan Baanboyda oo damaashaad iyo dabaal dag kumaraya wareegyada lafadhiyo ee garoonka iyadoo ay kusuganyihiin madax sare, sariikiisha ciidanka qaranka iyo ciidamada gaarka ah ee DDSI, masuuliyiin, shacabka, wax garadka, dhalinyarada iyo qaybaha kala duwan ee shacabka magaalada Jigjiga.

Iyadoo guud ahaanba maanta dalka laga wada xusayo maalinta ciidanka qaranka Itoobiya ayaa sidoo kale waxaa si heer qaran ah looga xusayaa maagalada Bahirdar ee deegaanka Axmaarada.