Munaasabada Xuska Ciimada Difaaca Qaranka JDFI Oo Maanta Si Meeqaam Sare Ah Loogu Xusay Caasimada Deegaanka Ee Magaalada Jigjiga.

Jigjiga(CN) Jimce.Feb.06.2015, Iyada oo  guud ahaan dalka itoobiya laga xusayo sanad guuradii 3aad ee munaasabada  xuska maalinta ciimada qaranka JDFI oo ay xusas kala duwan ka socdaan dalka ayaa waxaa munaasabdadii ugu balaadhnayd ka dhacday xarunta deegaanka ee magaalada Jigjiga.

Munaasabadan dabaaldaga xuska ciimadnka qaranka  oo ahayd mid maalmahanba si wayn loogu diyaar garoobayay ayaa jawi aad u qurux  badan uga qabsoontay saaka  garoonka wayn ee jigjiga.

Waxaana ka soo qaybgalay munaasabadan qaaliga ah, masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, masuuliyiin sare oo heer faderaal ah oo uu korkacayay wasiirka wasaarada gaashaandhiga JDFI mudane Siraj Fegaysa,  saraakiisha ugu saraysa ciimada qaranka oo uu ka mid yahay taliyaha guud ee ciimada qaranka bariga itoobiya, L.General Abraham W/mariam, madaxwayna yaasha deegaanada bariga itoobiya, saraakiisha ciimada gaarka ah ee liyuu booliska DDSI, ciimadama baanbowda, odayaasha deegaanka, garaadada, ugaasyada, shaqaalaha dawlada, iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan  magaalada jigjiga.

Munaasabadan oo ay ciimadamada banboyda qaranku,  cutubyada ciimada qaranka  iyo kuwa deegaanku gaado kaciyaar ku marayeen garoonka, ayaa waxaa ugu horayntii khubdan  ahmiyada balaadhan ku fadhida ka soo jeediyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar. Wuxuuna madaxwaynuhu sheegay in ay munaasabadani tahay mid ahmiyad balaadhan ku fadhida ayna halyayyada ciimada qaranku yihiin muunad ku dayasho mudan guud ahaanba caalamka, iyo Afrikaba.

Madaxwaynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu tilmaamay in ciidamada difaaca qaranka dalka Itoobiya halgankii dhibta soo afjaray ee ay xukunka uga tuureen kaligii taliskii dhargiga, halgankii waxaa uu inoo horseeday in aan hantino dastuurka markii ugu horaysay taariikhda Itoobiya sugay sinaanta qoomiyadaha iyo shucuubaha itoobiya, dimuqraadiyada horumarka, maamulka suuban, xuquuqda gaarka ah iyo tan wadareedba. Geesinimada ciidamada qaranka iyo kuwa nidaamka kartida iyo awooda nadad ilaalineed ee wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba gaar ahaan kaalintii nabad ilaalineed ee dalalka Liberia, Burindi, Ruraanda, Sudaan iyo Soomaliya.

Waxaa kale oo isaguna khudbad dhaxal gal ah kasoo jeediyay munaasabadaasi wasiirka gaashaan-dhiga JDFI mudane Siraf Fegaysa oo ka waramay ahmiyada ay maalintani leedahay ayaa waxa uu  si qoto dheer uga warbixiyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soomaray dalka iyo deegaankuba wuxuna sheegay in deegaanka Soomalida Itoobiya 20 sano ee ugu danbeeyay uu isa soo tarayay kor u kaca dhinaca horumarka, balse 4 sano ee ugu danbeeyay guulo waawayn xukuumada deegaanku ka soo hoysay dhinacyada horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban.

Waxaa kale oo uu sheegay in DDSI sanadihii ugu danbeeyay ay ka midho dhalisay hirgalinta mashaariicaha horumarineed, kor-u-qaadida koboca dhaqaalaha iyo bilicda caasimada deegaanka ee magaalada  Jigjiga. Sido kale waxa uu tilmaamay wasiirka  gaashaandhigu in halyayyada ciimada geesiyada liyuu booliska DDSI ay furihii lagu hirgaliyay horumarkan iyo xasiloonidan sida buuxda uga taamyeelay maanta deegaanka ayna si buuxda u soo afjareen hadhaagii nabaddiidka UBBO. Wuxuuna wasiirku ku booriyay shacabka deegaanka xukuumada iyo ciimada gaarka ah ee DDSI in ay halkaa ka sii wadaan horumarka iyo nabadgalyada maanta lagu nabad iyo caano maalay.

Taliyaha guud ee ciidamada bariga Itoobiya L.General Abraham W/mariam ayaa aad ugu dheeraaday Qiimaha Wanaagsan ee ay Munaasabadani leedahay iyo Xidhiidhka Wanaagsan ee walaaltinimo ee ka Dhaxeeya Ciidamada Difaaca Qaranka iyo shacbiga DDSI, islamarkaana tilmaamay Gacantii ay shacabku ka gaysteen la dagaalankii iyo soo afjarida Nabaddiidkii  ka dhaq dhaqaaqi jiray deegaanka, sidoo kale waxa uu  tibaaxay Guulaha qaranimo ee ay soo hooyeen Ciidamada gaarka ah ee Geesiyiinta DDSI oo kaashanaya ciimada qaranka.

Dhanka kale waxaa iyaguna musaanadabada xuska maalintani khudbado kal duwan ka soo jeediyay taliyaha guud ee ciidamada bariga itoobiya L.General Abraham W/mariam iyo madaxwaynayaasha deegaanka Hararida iyo ismaamulka Diridhaba,  kuwaasi oo ka warbixiyay ahmiyada ay maalintani leedahay.

Waxaa madashaasi abalaamarino kala duwan la gudoonsiiyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, saraakiisha ciimada qaranka iyo ciimada gaarka ah ee DDSI.  Wasiirka gaashaan dhiga JDFI mudane Siraj Fegaysa  waxa uu madashaasi ku gudoonsiiy abaalmarin ay dawlada fadaraalku ugu talagashay xukuumada DDSI madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Abaalmarintan ayuu waziirku sheegay in uu madaxwaynuhu ku mutaystay isbadalka uu kakeenay nabadgaliyada oo uu deegaanka kusoo dabaalay nabad isagoo kaashanaya haayaaha federaalka ee dhamaan qaab dhismeedka nabadgaliyada. Sidoo kale Horumarka gaar ahaan biyaha, caafimaadka, beeaha, dhismayaasha horumarineed, waxbarsahada oo uu kor u qaaday dugsiyada hoose, sare, klliyadaha.

Wuxuu wasiirku tusaale u soo qaatay isabadalka uu madaxwaynuhu mutaystay ee dhanka horumarka isbadalada Qabridahar iyo Godey, sidoo kale waxaa uu kudheeraaday Jigjiga oo uu sheegay inay sida ubaxa oo kale u qurux badnaatay horumarka xawliga ah ee kasocda, xidhiidhka dadwaynaha ee dal iyo dibad ayaa kamid ahaa waxyaabihii ablaamarinta uu madaxwaynuhu kumutaysatay.

Sidoo kale waxaa abaalmarino kala dwan lagudoonsiiyay geesiyada saraakiisha ciidamada qaranka iyo ciidamada garka ah ee DDSI. Geesiyada ciidamada gaarka ah iyo qaybahooda kala duwan ayaa abaalmarino lagu gudoonsiiyay, iyadoo si guud sharaf gesnimo loo gudoonsiiyay ciidanka gaarka ah ee DDSI oo uu halkaasi kugudoomay jananka guud ee ciidamada gaarka ah Gen. Cabdiraxmaan Cabdulaahi Buraale ayaa iyaguna rajmantiga 9aad si gaar ah loogu abaalmariyay guushii u danbaysay ee ay kudileen dhiigyacabkii hadhaaga Ubbo mustafe Haybe.

Iskusoo wada duuboo waxaa maanta xarunta DDSI ee magaalada Jigjiga si heer qaran oo taariikhi ah loogu xusay ahmiyada iyo qiimaha maalinta ciidanka qaranka oo sanadguuradii saddexaad loo dabaal dagayay maanta guud ahaanba dalka. Waxaana caawa lafilaya in xaflad casho sharaf ah oo kamid ah barnaamijkan xuska sanadguurada 3aad ee maalinta qaranka lagu qabto Qaryaan Dhoodaan halkaas oo si toos ah looga daawan doono ESTV.