Wasiirka Wasaarada Gaashaan-dhiga DFI Oo Abaal-marin Aad Muhiim U ah Siiyay Madaxwaynaha DDSI.

Jigjiga(CN) Sabti.Feb.07.2015, wasiirka wasaarada gaashaan-dhiga DFI mudane Siraj Fegaysa ayaa abaal marin aad muhiim u ah siiyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar taasoo lagu gudoonsiiyay munaasibadii quruxda badnayd ee xuska wareegii 3aada ee maalinta ciidamada difaaca qaranka ee dalka Itoobiya oo si heer sare ah uga dhacday xarunta DDSI ee magaalada Jigjiga.

Munaasibadan qaaliga ahayd oo si toos ah looga daawanayay talefeeshinka caalamiga ah ee ESTV  maalmahanna aad loogu diyaar garoobayay ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, masuuliyiin sare oo heer faderaal ah oo uu korkacayay wasiirka wasaarada gaashaandhiga DFI mudane Siraj Fegaysa,  saraakiisha ugu saraysa ciimada qaranka oo uu ka mid yahay taliyaha guud ee ciimada qaranka bariga itoobiya, L.General Abraham W/mariam, madaxwayna yaasha deegaanada bariga itoobiya, saraakiisha ciimada gaarka ah ee liyuu booliska DDSI, ciimadama baanbowda, odayaasha deegaanka, garaadada, ugaasyada, shaqaalaha dawlada, iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan  magaalada jigjiga.

Hadaba unaasibadan oo xambaarsanayd ahmiyado badan islamarkaana lagasoo jeediyay khudbado dhaxal gal ah ayaa waxa uu shalay wasiirka gaashaandhiga DFI mudane Siraj Fegaysa uu abaal marin aad muhiim u ah gudoon siiyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Abaalmarintan ayuu waziirku sheegay in uu madaxwaynuhu ku mutaystay isbadalka uu kakeenay nabadgaliyada oo uu deegaanka kusoo dabaalay nabad isagoo kaashanaya haayaaha federaalka ee dhamaan qaab dhismeedka nabadgaliyada. Sidoo kale Horumarka gaar ahaan biyaha, caafimaadka, beeaha, dhismayaasha horumarineed, waxbarsahada oo uu kor u qaaday dugsiyada hoose, sare, iyo  kulliyadaha.

Wuxuu wasiirku tusaale u soo qaatay isabadalka uu madaxwaynuhu mutaystay ee dhanka horumarka isbadalada Qabridahar iyo Godey, sidoo kale waxaa uu kudheeraaday Jigjiga oo uu sheegay inay sida ubaxa oo kale u qurux badnaatay horumarka xawliga ah ee kasocda, xidhiidhka dadwaynaha ee dal iyo dibad ayaa kamid ahaa waxyaabihii ablaamarinta uu madaxwaynuhu kumutaysatay.

Mida kale wasiirka gaashaandhigu waxaa uu DDSI ku amaaney sida ay xag-jirnimada ula dagaalamaan, waxa uuna khudbadiisii kusheegay in xag-jirnimada ay calaamad u tahay in ay isbad-badalaan oo ay kolba shaadh cusub soo xidhaan. Wuxuuna tusaale usoo qaatay oo uu sheegay in markii hore ay maxaakiim isku magacaabeen iyagoo iskugu jira Alshabaab, Al ataxaad, iyo maxaakiim kadibna ay kala baxeen haatana ay wajiyo cusub oo maalin walba hor leh keenaan.

Dhana Ubbo waxaa uu shaaca ka qaaday in ayna DDSI kajirin balse laga yaabo in ay diaspora ahaan u jiraan taasina waa mida uu wasiirku uu Nobel peace Prize-ka kusiiyay madaxwaynaha iyo jananka C/raxmaan Cabdulaahi ee ciidamada gaarka ah ee DDSI.