Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Gudiga Doorashada: Lama Aqbalayo Wakhti Dheeraad Ah Oo Loogu Daro Diwaan-galinta Musharaxiinta ee Xisbiyada.

Addis Ababa(CN) Isniin. Feb.09.2015, gudiga doorashooyinka qaran ayaa shaaca kaqaaday in aan la aqbalaynin su aalihii ay qaar kamida axsaabtu codsanyeen ee ahaa in uusan wakhtiga diwaan galinta musharixiinta in aysan kufilnayn oo u baahnaa in wakhti dheeraad ah loogu daro.

Waxaa dhawaan gudiga u gaystay codsi ah in wakhtiga diwaan galinta loogu daro qaar kamida xisbiyada u tartamaya doorashada dalka, kuwaas oo iyagu isqab qabsi gudahooda ah uu kadaahiyay wakhtigii caadiga ahaa ee lasiiyay.

Labada xisbi ee kala ah Unity for Democracy (UJD) gudoomiyaheeduna yahay Tigistu Awolo iyo All Ethiopian Unity Party (AEUP) oo uu gudoomiye kayahay Abebaw Mehari ayaa iyagu ku andacoonayay in aan loo eego wakhtigii ay ishaysteen ee katagay islamarkaana aan lala simin ururada kale ee u loolamaya doorasahadan guud ee dalka.

Waxaana wakhti xaadirakan dhamaystirtay diwaanglaintii xsibiyo badan oo uu kamidyahay ururka EPRDF sida uu sheegay bordhiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya.

Sida uu sheegay kuxigeenka madaxa xarunta bordhiga doorashooyinka qaran mudane Wondimu Gola waxay saamayn ku noqonaysaa hadii wakhti kale lagusii daro hanaankii iyo geedi socodka guud ee doorashooyinka dalka, sidaas darteed waxa uu gudigu shaaca kaqaaday in aan lagusii darin wakhti dheeri ah.