Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Maamulka Cusbitaalka kaaraamardha oo sheegay in uu sii labajibaaray dadaalada ku aadan kahaqabtirida shacabka ee dhanka adeega caafimaadka

Jigjiga(CN) Talaado Feb-10-2015.Maareeyaha cusbitaalka  kaaraamardha ee magaalada jijga Dr Maxamed Axmed maxamed oo u xafiiskiisa ugu waramay shabakada wararka ee cakaaraNews  ayaa u gawarbixiyay xaalada guud ee cusbitalka kaaraamardha  iyo adeega caafimaad ee uu siiyo bulshada.  

Haddaba maareeyaha ayaa sheega in ay dadaalo xoogan ugujiraan sidii ay uga haqabtiri lahayeen shacabka adeega caafimaad ee ay ubaahanyihiin oo hufan  iyada oo  cisbitaalka uu shacabka adeegyada ay u hayeen loo gudaray in hooyada dhalaysa  looga dhalinayo looguna shaqaynayo lacag alaan ayadoo lagaduulayo in ay hooyo udhiman fool iyo dhalmada.


Maareeyaha cusbitaalka kaaraamardha ee magaalada jijiga oo hadalkiisa sii wata ayaa  intaa kudaray in qaybaha kaladuwan ee cusbitalka  haysto qalabyada ka duwan  ee bukaanada lagu daweeyo oo casriyo islamarkaana tayo aad u saraysa leh lana jaan qaadaya qalabyada yaala cusbitaalada caalamka  sidoo kale  anbalaasyo iyo dhakhaatiir kufilan iyadoona  qayb walbana lagu sameeyay balaarin.


Ugudanbayn ayuu maareeyuhu waxa uu sheegay in ay shacabka siiyaan wacyigalin latalin ku aadan dhanka caafimaadka maadaama uu yahay qorshaha la qaatay daawaynta cudurada in muhiimada la siiyo ka hortaga iyo xakamaynta cudurada faafa.


Cusbitaalka kaaraamardha ee magaalada jijiga ayaa ah cusbitaal balaadhan oo lagu daweeyo shacab aad u badan oo isugu jira bukaanjiif iyo bukaan socod siiyana hooyada iyo dhalaanka adeeg caafimaad tayo sare lehloogana maarmay cusbitaalada dibada.


Dhanka kalana shcabka kudhaqan DDSI ayaa soo dhaweeyay adeegyada caafimaad ee cusbitaalka usiiyo.