Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ururka Dhalinyarada Ee D.Y.S.E Oo Baaq Taageero Iyo Bogaadin Ah U Diraya XDSHSI.

Minneapolis(CN) Khamiis.Feb.12.2015, Ururka Xoojinta Dhalinyarada iyo Ardayda ee DDSI (DYSE) ayaa guud ahaanba waxaa ay baaqan u soo jeediyeen una dirayaan XDSHSI iyo dhamaanba taageerayaashiisa. XDSHSI ayaa ah xisbiga talada haya ee DDSI kaasoo dal iyo dibadba kasbaday taageero baaxadwayn oo isdaba joog ah kadib isbadal taariikhi ah oo uu deegaanka ka keenay gaar ahaan sanadadii ugu danbaysay.

Baaqan kayimid ururka dhalinyarada ee DYSE, oo isugu jira taageero iyo bogaadin ayaa sidan ku bilaabmay:

Taariikhdu Wax-bay Hagtaa, dadkuna way Haybsadaan, XDSHSI Wuu nahagay anaguna waan haybsanay, Ururka Dhalinyarada ee DDSI YOUTH STUDENTS EMPOWEREMRNT (DYSE) Meel walba oo uu Caalamka ka dhisanyahay, wuxuu soo dhawaynayaa marka koobaad Talaabooyinka wax ku oolka ah, ee uu Qaaday Hogaaminta sare ee XDSHSI uguna horeeyo madaxwaynaha DDSI Mudane  Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar (Kulmiye).

Waxaan si buuxda usoo dhawaynayna Taageersanahayna Go'aamadii Gudiga Fulinta ee abid markii ugu horeeysay saami aad u badan siiyay dumarka oo hada kahor 1 ama 2 kufadhiisan jiray kuraasta baarlamanka deegaanka, midaas oon abid taariikh kadhicin Deegaanka Soomaalida Ethiopia,  sidoo kale Xildhibaanada heer fedearal.

Xisbi Waxaa lagu doortaa Muxuu soo qabtay wakhtigii uu Hogaanka hayay, Sida aan lawada socono, cidwalbana ka dharagsantahay 5tii sane ee udabaysay Talaabooyinka Laxaadka leh ee Caqliga bani aadamka ku noqonaysa layaabka ee uu Qaaday Xisbigu, kagana dhabeeyay ballan qadkii shacabka isaga oo is badal cad oo ah Cad Ceed soo baxday sacabo laguma qarin karo ka dhaliyay Gabi ahaanba DDSI, iyo Sagaalka Gobol ee Deegaanku ka koobanyahay.

Iyadoon Qoraal lagusoo Koobi karin Waxyabihii Xisbigu qabtay sanadadii ugu danbaysay, bal aan ka xusno dhawr qodob oo Muhiim ah, Sida Dhismaha Wadooyinka isku xidhi gobolada, Barnaamijyada Dibudajinta, Soo Noolayntii Taariikhdii deegaanka iyo Hidaha iyo Dhaqanka, Kor uqaadidada Xarumaha Caafimaadka, taasoo xusid ay mudantahay dhinaca adeeg bixinta caafimaadka in laga dhisay Referal Hospital  Miisaan Culus ku leh East Africa, iyadoo ay sidoo kale jirto 9 zonal Hospital ah. Sidoo kale barnaamijkii indhaha loogu fiiqay kumanaanan shacabka deegaanka ah oo 9-ka gobol kakooban.

Waxbarashada, Dugsiyo Tayaysan Dugsi hoose ilaa Dugsi sare goob walba oo deeganka kamid ah sido kale Collegyo lagu barto Noocyada kala duwan ee Biyaha, Beeraha, Caafimaadka, Macalinimada & dhamaan xirfadaha kaladuwan,  sido kale  ilaa Heer Jaamacadeed oo ah Jig-Jiga University, Isku xidhka Bulshada Dibada iyo Gudaha, Soo celinta Qurba joogta udhalatay Deegaanka gabi ahaan ee Xisbigu safaro ugu kala bixiyay 5 ta qaaradood .

Biya La'antii Ba'nayd ee ka jirtay deegaanka oo Xisbigu Qorshaha kadhigay 1,2,3,4, Baahida koobaad lagana midho dhaliyay (tusaale Bankii biyo la'aanta loogu magacdaray Habaar Waalid oo ceelal dur dur ah iyo Duco Waalid loo badalay) Sidoo kale Socdaaladii Xaqiijinta Nidaamka Adeeg bixinada Bulshada ee ilee heer tuulo ku bixisay Xukuumada ugu saraysa, ee Xisbigu una Hogaaminayay Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Ahna, Madaxwaynaha DDSI Mudane Abdi Mohamud Omar, midaas oo soo celisay Kalsoonidi  Shacabka.

Sidoo kale Adeega Koronta bixinta oo Xisbigu kor uqaaday iyado Gobolo badan haystaan Koronto 24 saac ah. Iyadoona lasoo koobi karin Adeegyadii Hufnaa, Toolmoonaa ee XDSHSI Fuliyay taniyo intii uu Haykalka iyo Hoganka hayay, ayaa waxaan Bogaadinaynaa Waxqabadka cad ee uu Xisbigu soo qabtay Xiligii ay jirtay Baahida ugu badan deganka ee Ay ragaadiyeen Maamuladii kahoreeyay Xukuumadan haatan Talada iyo Tusaalaha inoo haysa.

Sidas Daraadeed ururka DYSE wuxuu Marlabaad garab taaganyahay, oo anu leenahay Maamulkii Midnimadiyo, Magaciisu  dheeraa Xisbigii Kamuuqdee Shacabkii Mideeyoow Mar labaad Kusoo Noqo, Xisbi Loo maqsuudoo, Mahuraankii Dumarkiyo Maatida dhamaantood, Xaqoodii Muujiyee Midigtana Kasaaroow, Mar labaad Kusoo Noqo. Ururka DYSE ee (Worldwide) wuxuu si buuxda utaageeray garabna taaganyahay XDSHSI, kana shaqaynayaa sidii Xisbigu Hogaankan wanaagsan ee argatida shacab leh u sii wadan lahaa, iyadoo aan sugayno inuu xisbigu dhamaystiri doono dhamaan Qorshaha soo socda shanta sane ee fooda inaguso haysa, iyo Qorshaha Horumarineed ee dalka iyo caalamkaba.

XDSHI  2015 By : DYSE (WorldWide)

Baaqan DYSE ayaa kusoo beegantay wakhti uu xisbigu galayo doorashadii shanaad ee dalka iyo deeganada taasoo kubeegan muddo 3 bilood kayar dhacaysana bisha 9aad ee Gibood 2007-da tirsiga dalka. Waxaa xusid mudan in XDSHSI uu leeyahay taageero baaxad wayn kaasoo dal iyo dibad ba ah, waxaana shirwaynihii 8aad ee Fiiq si aan lakoobi karin taageero u muujiyay shacbka u dhashay DDSI gudaha iyo dibada, iyadoo ay wakhtigaasi is daba dhacayeen taageerooyinka iyo bogaadinta xisbiga.