Deg Deg: Madaxwaynaha DDSI Iyo Madax Kuwahelinaysay Oo Goordhawayd U Anbabaxay Magaalada Bahir Dar.

Jigjiga(CN) Jimce.Feb.13.2015, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar Iyo Madaxwayne Kuxigeenka mudane Cabdixakiim Cigaal Cumar ayaa goordhawayd ka anbabaxay gagida diyaaradaha ee Garaad Wiil Waal una kicitimay dhanka magaalada Bahir Dar ee deegaanka Axmaarada.

Socdaalkan madaxwaynaha ayay u jeedadiisu tahay kaqayb galka munaasibada ciidanka difaaca qaranka oo wareegii sadexaad si heer qaran ah looga xusayo deegaankaasi Axmaarada.

Sidoo kale socdaalkan madaxwaynaha waxay ugasii gudbi doonaan dhinac deegaanka Tigrey iyo magaalada Maqale halkaas oo iyadana looga dabaal dagayo sanadguuradii 40 aad ee kasoo wareegatay halgankii khadhaadhaa ee ay curiyeen ururka TPLF oo ugu hor bilaabay halgankii lagaga takhalusay cadaadiskii iyo cubudhiskii kali taliyaashii dalka soo maray. Halganka TPLF oo kudayasho taariikhi ah lahaa ayaa u horseeday sinaanta iyo cadaalada ay maanta kunaaloonayaan qoomiyadaha iyo shucuubaha reer Itoobiya.