Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wareegii 3aad Ee Maalinta Difaaca Qaranka Oo Baryahanba Looga Dabaal dagayay Dalka Ayaa Maanta Lagusoo Gabagabeeyay Magaalada Bahirdar.

Bahirdar(CN) Sabti.Feb.14.2015, xuskii maalinta ciidanka difaaca qaranka Itoobiya ee wareegii 3aad oo baryahanba laga xusayay guud ahaan dalka, ayaa maanta munaasibadiisii qaran lagu soo gabagabeeyay magaalada Bahir Dar ee deegaanka Amxaarada.

Munaasibada oo ahayd mid si heer qaran ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay masuliyiin heer federala oo uu kamid yahay Raisal wasaraha JDFI mudane Hailemariam Desalegn,  R/W kuxigeenka J.D.F.I mudane Damaqe Mokonin, Wasiirka Wasaarada Gashaandhiga J.D.F.I mudane Siraaj Fagesa, M/weynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar M/weynaha degaanka Amxaarada mudane Gedu Andargachew, Sariikiisha sare ee ciidanka qaranka, iyo  madax kale oo dalka iyo caalamkaba kakala timid.

Munaasibada ayaa maanta kadhacday garoonka wayn ee magaalada Bahir Dar halkaas oo ay baryahanba si wayn u diyaarinayeen deegaanka Amxaarada iyo maaulka taliska galbeedka Itoobiya ee ciidanka qaranka, qaybaha kala duwan ee shacabka ayaa buux dhaafiyay garoonka iyadoo ay dabaaldag iyo gaardi kaciyaar qurux badan kasoo jeediyeen ciidamada baan boyda, ciidanka qaranka, ardayda islamarkaana ay miiga iyo diyaaradaha ciidanka qaranku ay garoonka korkiisa iyo munaasibadaba kala qayb qaadanayeen iyagoo muujinayay awooda ciidanka iyo waxqabadkiisa.

R/W dalka mudane Hailemariyam Desalegn ayaa khudbad dhaxal gal ah kasoo jeediyay munaasibada wuxuuna ku bilaabay in uu aad ugu faraxsanyahay munaasibadan Ciidanka qaranka oo ah mid lagu dhiiri galiyo laguna xuso mudnaanta iyo qiimaha ay noo taaganyihiin ciidanka difaaca qaranku. R/Wasaaruhu waxaa uu sheegay in ay tahay maalin gudbinaysa faariinta iyo dareenka qaaliga ah ee uu mudanyahay ciidanka difaaca qaranku taasoo sii dhiiri galinaysa ciidanka qaranka dalka oo mid argati shacab leh nabadgaliyada iyo horumarkana u taagan.

Mar uu Raisal wasaaruhu ka hadlayay heerka oo marayo ciidanka qaranku ayuu sheegay in uu guulo taariikhi ah kasoo hoyiyay caawinta wadamada dariska ah iyo nabadsugida caalamka, wuxuu raisal wasaaruhu sheegay in uu ciidanku yahay mid horumar oo kaalin sare kaqaatay dhinacyada kala duwan ee hrumarka. Raisalwasaare Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in ay ciidanku dhanka dhaqaalaha iyo horumarka dalka aad wax uga caawiyaan, wuxuuna sheegay in dhamaan loo baahanyahay xishmad iyo qiimo wayn oo cidwaliba oo reer Itoobiya ah ay kamudanyihiin maadaama ay xasiloonideena iyo horumarkeena u taaganyihiin.

Sidoo kale waxaa khudbad kasoo jeediyay madax kala duwan oo kamidyahay wasiirka gaashaan dhiga JDFI mudane Siraaj Fegaysa oo isagu kaqayb qaatay munaasibadii ciidanka qaranka  ee koonfurta bariga dalka Itoobiya ee dhawaanta kadhacday magaalada Jigjiga ee xarunta DDSI halkaas oo si heer qaran ah loogu xusay.

Waxaa taniyo bilowgii bishan February dalka laga xusayay malaainta ciidanka qaranka iyadoo munaasibada kala duwan oo horudhac ah lagu qabtay dalka waxaana xusid mudan in magaalada Jigjiga ee xarunta DDSI lagu qabtay 6/02/15 munaasibad qaran oo uu diyaariyay DDSI iyo taliska ciidamada gaarka ah ee koonfurta bariga Itoobiya halkaas oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, masuuliyiin sare oo heer faderaal ah oo uu korkacayay wasiirka wasaarada gaashaandhiga JDFI mudane Siraj Fegaysa,  saraakiisha ugu saraysa ciimada qaranka oo uu ka mid yahay taliyaha guud ee ciimada qaranka bariga itoobiya, L.General Abraham W/mariam, madaxwayna yaasha deegaanada bariga itoobiya, saraakiisha ciimada gaarka ah ee liyuu booliska DDSI, ciimadama baanbowda, odayaasha deegaanka, garaadada, ugaasyada, shaqaalaha dawlada, iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan  magaalada jigjiga.

MUnaasibadaasi Jigjiga oo dhacday jimcihii hore ee lasoo dhaafay ayaa waxay dawlada federaalka iyo wasaarada gaashaandhigu abaalmarino kala duwan madaxwaynaha DDSI kugudoonsiisay abaalmarin kadhan ahayd guulaha laga keenay nabadgaliyada iyo horumarkaba kuwaas oo deegaanku lakaashaday ciidanka  diifaaca qaranka ee Itoobiya.

Munaasibadan Ciidanka difaaca qaranka ee maanta lagusoo gabagabeeyay magaalada Bahir Dar ayaa waxaa hal-kudhag looga dhigay  "Anagoo ilaalinayna argtideena shacab wakhtiga casriga ahna lajaan qadayna ahna xooga nadadeed ee ugu fiican ayaan sii wadaynaa" waxaana munaasibada lagusoo bandhigay heerka iyo doorka sharafta leh ee ciidanka Itoobiya uu kaga jiro caalamka kuwaas oo ay ka makhraati kaceen madaxda caalamka ugu saraysa.