Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Waxaa Beryahanba Shaqo ugu Sugnaa Gobolka Doolo Masuuliyiin heer Federaal, Heer Deegaan iyo bahwadaagta caafimaadka gaar ahaan wakiiladda hayadaha UNICEF, WHO, iyo MSF Holland.

DOOLO(CN) SABTI FEB-14-2015. weftidan heer federaal oo uu hogaaminayay wasiiru dowlahha wasaaradda caafimaadka ee DFI Dr Amir Aman kuna weheliyeen Maareeye kuxigeenka Wakaaladda daawooyinka DFI Ato Yamaneberhan Taddese, socdaalkaas oo heer deegaan uu horkacayay Wasiir Kuxigeenka Caafimaadka Mudane C/fataax Siciid ayaa ujeedadiisu ahayd furitaankii wareegii 13aad ee talaalka cudurka dabaysha, daradrgelinta dedaalka deegaanka iyo gaar ahaan gobolka doolo ugu jiraan cidhibtirka cudurka dabaysha, iyo kormeer guud oo lagu soo indha indhaynayay adeeg bixinta caafimaadka.

Socdaalkan shaqo oo ahaa afar maalmood ayaa lagu soo maray xarumaha caafimaadka degmooyinka wardheer, galaadi iyo bookh iyadoo ay jireen shirar dhextaalo ah oo dhamaan lala gelayay xirfadlayaasha caafimaadka iyo maamuladda heerarka kaladuwan.

Waxaa uu warku intaa ku darayaa in shirkii furitaanka lagu saxeexay qaraar lagu cidhib tirayo cudurka dabaysha, waxaa guud ahaan socdaalkaasi kusoo gabaggaabobay guul iyadoo masuuliyiinta heer federaal iyo bahwadaagtuba aad ula dheceen horumarka ka hana qaaday deegaanka iyo gaar ahaan adeega caafimaadka waxa kaloo kasoo baxaya socdaalkan go'aan guud oo lagu daradar gelinayo adeega caafimaadka iyo xanaanada hooyadda iyo dhalaanka gaar ahaan talaalka joogtadda ah.