Madaxwaynaha DDSI Iyo Wafti Sare Oo Madax Iyo Sariikiisha Qaranka Ah Ayaa Saaka Bahir Dar Ka Anbabaxay Socdaal Booqasho Taariikheed Ahna Kusii Maraya Dhulka Ilaa Maqala.

Dhabretabur(CN) Axad.Feb.15.2015, waxaa saaka magaalada Bahir Dar ka anbabaxay wafti sare oo isugu jira madaxda iyo saraakiisha sare ee dalka oo ay kamid yihiin madaxa tababarada EPRDF ahana gudiga bordhiga taageerada gaarka ah ee deegaanada mudane Addisu Legase, Madxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, L.General Abraham W/mariam, M.General Mahari Zewde, madaxwayne kuxigeenka DDSI mudane Cabdixakiim Cigaal madax kale iyo saraakiil sare.

Waftiga ayaa socdaalkan  cagta saaray dhulka u dhaxaeeya Bahir Dar iyo Meqala oo ah dhul taariikhiya oo ah deegaanadaii iyo buurihii lagu jabiyay xoogagii kaligii taliskii Dhargiga. Dhulkan oo ah goobihii ugu badnaa ee ay TPLF cagta ku marisay ayaa waxaa kamida Gobolka D/tabuur oo ay hada waftigu kusuganyihiin, buuraha Guna oo ahaa goobihii markaas sladhiga u ahaa Dergiga iyo meelo badan oo xudun u ah dhulkii halgankii taariikhiga ahaa ee TPLF.

Waftiga oo ku wajahan magaalada Maqala ee caasimasa deegaanka Tigrey ee lagu qabanayo barito xuska sanadguuradii 40aad ee Jamhadii TPLF oo hormuud u ahayd isbadalka ay maanta qoomiyadaha Itoobiya ku naaloonayaan ayaa booqasho kusoomaraya dhul-halgameedkii taarikhiga ahaa ee TPLF.

Waftigan ayaa dul istaagaya goobihii dagaalka iyadoo ay kawarbixinyaan raggii hogaaminayay dagaaladaasi taariikhiga ah oo uu ay kamid yihiin L.general Abraham W/mariam, mudane Addisu Legase iyo madaxda kale oo iyaguna kaqayb galay.

Mar uu L. Generaal Abaraham uu uga waramayay waftiga goobihii ugu khadhaadhaa wakhtigaasi halganka ayuu madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar sheegay in halgankii TPLF uu ahaa hormuudkii curiyay guud ahaanba in laga takhaluso xoogagii dhargiga islamarkaana ay ku daydeen halgamadii kale ee qoomiyadaha reer Itoobiya.

Waftiga ayaa lafilayaa in ay caawa uun ku hoydaan xarunta deegaanka Tigrey ee Magaalada Maqale halkaas oo barito ay kadhacayso munasibada sanadguuradii TPLF oo ay kasoo qayb galayaan madaxda dalka oo dhan iyo madax kasocota caalamka.

Kala soco CakaaaraNews oo idiin soo gudbin doonta dhamaadka socdaalkan iyo taariikhda leh.