Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Dood Balaadhan Oo Looga Hadlayay Halgankii TPLF Ayaa Maanta Kadhacday Hoolka Taalada Naftood Hurayaasha Ee Magaalada Maqala.

Maqala(CN) Talaado.Feb.17.2015, sida aad wararkanagii hore kala socoteen CakaaraNews waxaa maagaalada Maqale ee lagu qabanayo sanadguuradaii 40aaad ee TPLF kasocday taniyo shalay barnaamijyo kala duwan oo qayb ka ah sanadguuradan.

Hadaba waxay maanta dood balaadhani oo loogaga hadlayay halgankii naftood hurayaashii TPLF iyo guulaha ay u horseedeen Itoobiya oo dhan ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee taalada naftood hurayaasha ee magaalada Maqala, halkaas oo ay kasoo qayb galeen madax badan oo ay kamid ahaayeen madaxwaynaha DFI Dr. Mulatu Teshome, R/wasaare kuxigeenka mudane Damaqe Mekonin, Afhayeenka golaha federeshinka Kassa T/birhan, mudane Addisu Legesse, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo 8 madaxwayne ee deegaanada kale iyo madax sare oo halgamayaashii kamida.

Doodan oo ay aad uga hadleen xubnaha kala ah mudane Siyuum Mesfin, mudane Braket Simon iyo madax kale oo halgamayaal ah ayaa waxaa lasoo dhigayay marxaladihii ay soo martay TPLF iyado lasheegay in hogaaminta TPLF ay mudnaan sare u leedahay Itoobiya iyo Afrika oodhan islamarkaana ay cashir kudaysho mudan u tahay jiilka danbe.