Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxwaynaha DDSI Oo Maanta Booqasho Kutagay Masjidka Taariikhiga Ah Ee Sayid Axmed Najaashi Ee Deegaanka Tigrey.

Wuqro-Negaash(CN) Arbaco.Feb.18.2015, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta booqasho kutagay masjidka taariikhiga ah ee Sayid Axmed Nejaashi ee degmada Wouqro-Negaash ee deegaanka Tigrey.

Shacbaka Tigrey iyo culimada Negaash ayaa madaxwaynaha si balaadhan oo farxad leh ugu soo dhaweeyay masjidka Nejaashi, halkaas oo uu kula kulmay imaamka masjidka iyo culimada Negaash isagoo u duceeyay qaar kamida asxaabtii Nabiga NNKH  iyo sayid Axmed Negaashi oo ku aasan Negaash.

Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa imaamka masjidka Negaashi halkaasi ku gudoonsiiyay hadiyad iyo Alaab masjidka uu masjidka kucaawiyay kuwaas oo isugu jiray Gogol, roogag, saliyada saalaada, iyo dhar isugu jiray maca wuuso iyo dharka ashcaarta.

Imaamka Masjidka iyo qaar kamida culimada reer Negaash ayaa aad u soo dhaweeyay booqashada madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay sheegeen inuu markasta garab taagan yahay masjidkan taariikhiga ah ee Nejaashi.

Ma aha markii ugu horeysay ee uu madaxwayne Cabdi Maxamuud booqdo miisaajidkaasi taariikhiga ah balse wuxuu tagay marar hore wuxuuna aad ulasocdaa xaalada masjidka oo haatan labalaadhinayo, waxaana taas aad ooga mahadceliyay culimada Negaashi ooguna ducaysay madaxwaynaha iyo dhamaan inta wanaaga khayraadka misaajida iyo kan Negaashi ee taariikhiga ahba  jecel.