Maamulka magaalada jigjiga oo ka warbixiyay waxqabadkii 6dii bilood ee ina soo dhaafay.

Jigjiga(CN) Jimce Feb-21-2015. Maamulka magaalada jigjia oo dar-dargalin xoogan ugu jira ka midho dhalinta qorshayaasha horumarineed,kor u qaadida bilicda iyo baaxada magaalada jigjiga ee caasimada deegaanka ayaa shaaciyay in uu guulo wax ku ool ah ka soo hooyay guud ahaanba hirgalinta qorshayashi u yiilay lixdii bilood e la soo dhaafay.

Haddaba mar ay wariyaha shakabada wararka ugu waramaysay xafiiskeeda maareeye ku-xigeenka maamulka magaalada jigjiga marwo Faadumo Nuur Barkhad ayaa waxay sharax guud ka bixiyay guud ahaanba wax qabadkii 6da bilood ee ina soo dhaafay taasoo maamulka magaalada jigjiga 2dii sano ee ugu danbaysay natiijooyin wax ku oola ka keenay.

Waxayna marwodu sheegay in halbeega waxqabadka 6 bilood ee maamulka magaaladu ahaa dhisida iyo dayactirka wadooyinka laamayga ah, dhisida iyo shaqo abuurka wadooyinka la dhigo dhagaxa qoran cobble-stone wacyigalinta bulshada si kor loogu qaado nadaafada iyo bicilda magaalada jigjiga iyo guud ahaanba adeeg siinta bulshada oo dhamaantoodba sidii loogu talagalay loo hirgaliyay.

Mar ay marwo faaduma ka hadlaysay dhinaca ka faaiidaysiga dhulka waxay tidhi” Sida la wada ogsoon yahay ka faa”iidaysiga nidaam maamulka dhulka oo laf dhabaar uu ah hormarka iyo xaqiijiinta hormariinta magaalooyiinka, sido kale waa jihaada saxda ah ee lagu maalgaliin karro magaalo, taasi oo qorshayaal si mug leh ugu taxa luqa hirgalinta maalgashiga loo dajiyay laguna guulaystay.

” Marwo faaduma iyada oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay sheegtay in xafiiska adeegbixiinta magaaladu oo ah xafiis bixiya adeega magaalo oo dhamaystiiraan waxaa mudooyiinkii uu danbayaay si xawli ah uu sii kordhaya maalgashiga deegaanka gaar ahaan magaalo madaxda deegaanka soomlida itoobiya, xafiisku isagoo dardargaliinaya hawlaha hormariineed iyo ka faa”iidaysiiga dhulka aya xafiisku waxaa uu diyaariyay nidaam maamulka dhulka iyo hirgaliinta qorshaha hormarineed ee magaalo.

Waxaa kale oo ay tilmaantay in waxqabadkii 6 bilood ee ugu danbeeyay laga soo hooyay guulo waawayn dhinacyada Calaamadayinta goobaha danta guud.Xaliinta dhibaatooyinka dhulka Samaynta lahaansha dhulka iyo wacyigalinta.dhismayaasha buundooyinka magaalada,laamiyada iyo dayactirka, Furida jidadka xidhmay, Hirgaliinta qorshe hagaha magaalada. Samayiinta BM, Hirgaliinta LDPGA ceel baxay, Xadayiinta xadka maamulka magaalada {administrative boundary }