Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Deg-Deg: Madaxwaynaha DDSI oo Xadhiga Ka JaRAY ceelbiyoodka Laga Qoday Sanxaskule Caawana ku sugan Tuulada Mula ee Degmada Q/bayax.

 Mula(CN) Sabti 21-Feb-2015. Madaxawaynaha DDSI mudane CMC oo ay musuuliyiin kale wehelinayaan ayaa maanta xadhiga ka jaray Ceel-biyood laga hirgaliyay tuulada sanxaskule oo hoos tagta maamulka degmada Goljano ee Gobolka Faafan .Ceelbiyoodkan iyo mashaariico kale ayaa ka mid ahayd horaantii mar uu booqday madaxwaynaha DDSI codsiyo iyo baahiyo la xidhiidha horumarka aasaasiga ah oo ay shacabka deegaanku u gudbiyeen taasoo ay xukuumadu si degdeg ah uga jawaabtay.

madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa caawa ku sugan tuulada Mula ee degmada Qabribayax halkaasoo ay shirar balaadhan kula yeelan doonaan qaybaha shacabka sidoo kalana la dhagax dhigi doono mashaariico ay ka mid yihiin xarun caafimaad iyo wado.

wararka oo faahfaahsan diib ayaanu idiinku soo gudbin doonaa hadii alle idmo.