Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Hadhaagii Hogaamin Isku Sheegtii Ubbo Oo Bidh-Bidhasho Indhaha Loogu Shiday.

Daakhato(CN) Axad.Feb.22.2015, wararka hada nagasoo gaadhaya guddiga xaqiijinta xogaha ee ciidanka gaarka ah ee DDSI ayaa sheegaya in qaar kamida hadhaagii hogaamin isku sheegtii Ubbo indhaha loo shiday qaar kalena gacanta lagu dhigay.

War kan oo hada naga soo gaadhaya deegaanka Daakhato ayaa sheegaya in talaabadani indhaha loogu shiday qaar kamida hadhaagii  hogaamin isku sheegtii Ubbo oo ay kamid ahyeen dhiig yacab 1) Xaashi Cabdi Cali Xaydar oo ay Ubbo utaqaano Indho-buur2) Axmed Cabdi Siyaad oo ay Ubbo u taqaaney Axmed Boorale 3) Maxamed Axmed oo ahaa waardiga Indho buur iyo nin kale oo aan wali laxaqiijinin. Cashirkan ayaa kadhacay gaar ahaan goobta lagu magacaabo Alga ee deegaankaasi Daakhato. 

Xogaha nagasoo gaadhaya dhanka gudiga xaqiijinta ayaa kusoo waramaya in sidoo kale qaar gacanta lagu hayo oo uu kamid yahay  Axmed Cabdi Daahir.

Talaabadan bidhashada hadhaagii hogaamin isku sheegtii Ubo ayaa kusoo aadisantay wakhti laga faraxashay hubaysanihii Ubbo oo ay dhawaan shaaca kaqaaday haayadaha aminga ee DDSI in guud ahaanba deegaanka laga sifeeyay hubaysanihii Ubbo iyadoo haatan sida garowga loo bidh-bidhanayo hadhaagii hogaamin isku sheegta Ubbo.

Hadaba hadhaagii hogaamin isku sheegta Ubo ayaa baryahan si cilmiyaysan indhaha loogu shiday taasoo ay leedahay raad qaadka habeen iyo maalinka ah ee ay hogaaminayaan shacabka xoolo dhaqatada ah ee DDSI.