Kal-fadhigii 10 aad Ee Golaha Xildhibaanada DDSI Oo Saaka Kafurmay Hoolka Qaryaan Dhoodaan.

Jigjiga(CN) Arbaco.Feb.25.2015, kal-fadhigan baarlamanka DDSI oo ay kasoo qayb galeen madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Afhayeenka baarlamanka mudane Maxamed Rashiid Isaaq, golaha xildhibaanada, iyo marti sharaf kala duwan ayaa saaka si toos ah uga furmay madasha Qaryaan Dhoodaan.

Waxaa furitaankii kalfadhigan lagu furay aayadaha Quraanka kariimka ah oo uu soo jeediyay sheekh kamida golaha xildhibaanada. Waxaana furitaankii kahadlay afhayeenka baarlamanka mudane Maxamed Rashiid oo sheegay in laxaqiijiyay tirada golaha xildhibaanada oo kakooban 157 ayaa waxaa kasoo xaadiray 125 sidaasna waxaa ku buuxsamay kooramkii.

Afhayeenka ayaa sheegay soona jeediyay qodobada horyaala kalfadhigan baarlamanka kuwaas oo ahaa 1) ansixinta hadal qoraalka kal-fadhigii 9aad, 2) ansixinta war-bixinta 6 bilood ee xukuumada DDSI, iyo Ansixinta meel marinta miisaaniyada dheeriga ah ee 2007-da.

Waxaana cod buuxa lagu ansixiyay ka doodista ajendeyaashaasi kadib markii uu soo bandhigay afhayeenku. Kal-fadhigan baarlamanka oo sii soconaya taniyo galabta ayaa laga doodayaa qodobadaasi.

Kala soco CakaaraNews go'aamada kasoo baxa iyo warbixinta kusaabsan kalfadhigan saaka furmay ee baarlamanka DDSI.