Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wasiirka Shaqaalaha Iyo Arimaha Bulshada DDSI 0o Kawarbixiyay Waxqabadkii Bilihii Ugu Danbeeyay Ee Xafiiska.

Jigjiga(CN) Arbaco.Feb.25.2015, wasiirka xafiiska shaqaalaha iyo arimaha bulshada  DDSI mudane Axmed Maxamed koore  oo xafiiskiisa  ugu  waramayay qaarka mid ah warbaahinta deegaanka   ayaa sheegay in guulo gashi horumarineed u noqonaya bulshada deegaanka laga loo hooyay qorshayaashii xafiiska u yaalay bilihii ugu danbeeyay ee sanadkan.

Wasiirka oo arimahaasi ka waramayaa waxa uu yidhi” maadaama oo uu xafiisku u aas aasan yahay hirgalinta mabaadii’da horumarinta dhaqaalaha bulshada deegaanka iyo dhaqan galinta fulinta habraacyada sharciyada siyaasadaha iyo barnaamijyada la xidhiidhka shaqaalaha iyo arimaha bulshada deegaanka iyo kuwa heer faderaalba anaga oo ka duulayna arimahaasi waxaanu guulo waawayn ka soo hoynay qorshayaashii nooyaalay rubucyadii  ugu danbeeyay”

Waxa kale oo uu wasiirku  sheegay in bilihii ugu danbeeyay tiimam iskugu jira  agaasinada xafiiska shaqaalaha iyo arimaha bulshada DDSI loo kale diray   27 dagmo iyo 4 ta maamul magaalo   DDSI si shacabka iyo maamulada dagmooyinka  loogu soo qabto  shirar wacyigalino  ah oo lagusii xoojinayo arimaha daryeelka bulshada fahan  durugsana  laga siiyo waajibaadka saarayan shaqaalaha iyo loo shaqeeyahaba.

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu tilmaamay in shirarkaasi wacyigalinta ah ee laga soo fuliyay degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka  ay bar bar socdeen dhisida   gudiga isbahaysiga daryeelka bulshada siina xoojinaya daryeelka dadka qaba baahida gaarka ah ,kuwasi oo laga soo hirgaliyay dhamaanba degmooyinkaasi iyo maamulada magaalooyinka DDSI.  

Shirarkan wacyigalinta ah iyo dhisida gudiyada isbahaysiga daryeelka bulshada oo xafiiska shaqaalha iyo arimaha bulshadu uu kawado dagmooyinkaas iyo 4 maamul magaalo  ayaa waxa ay hordhac u yihiin dhamaan dagmooyinka DDSI  iya doona kuwa dhimana  dhawaan laga hirgalindoona shirarkaasi wacyigalinta ah iyo dhisada gudiyada isbahaysiga daryeelka bulshada.

Sidoo kale waxa uu wasiirku sheegay in uu xafiisku bilihii ugu danbeeyay gulo waawayn ka soo hooyay isaga oo kaashanaya xafiisyada ay bahwadaagta yihiin  dhinacyada  shaqaalaysiinta shaqaalaha iyo waliba daryeelka dadka naafada ah.  

Ugu  danbayntii wasiir koore waxa  waxa uu si mug leh  ugu mahadceliyay qurba joogta u dhalatay DDSI ee ku dhaqan dhamaan daafaha aduunka  sida ay xukuumada DDSI ugala qayb qaataan hirgalinta  hawlaha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban, taasi oo looga baahan yahay in ay sii karaargaliyaan galiyaan hawlahaasi kana faa’iidaydaan fursadaha maalgashi ee uu deegaanku hodanka ku yahay.