Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kalfadhigii 10 aad ee golaha xildhibaanada DDSI Maanta Galankii Danbe Halkiisii Kasii Socday Iyo Anjandayaashii La Ansaxiyay.

Jigjiga(CN) Arbaca Feb-26-2015.Kalfadhigii 10 aad ee golaha xildhibaanada DDSI oo maanta galankii danbe halkiisii ka sii socday iyo anjamdayaala la ansaxiyay. Sidaad waraykayagii hore ula socoteen waxaa maanka ka furmay hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan kalfadhigii 10 aad ee golaha xildhibaanada DDSI. Waxaana maanta galinkii hore uu afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI mudane maxamed rashiid isaaq soo jeediyay anjandayaal iyo bayaan horyaala kalfadhigan.

Haddaba waxaa maanta galinkii danbe la guda galay dhagaysiga, ka doodida iyo ansixinta warbixinta waxqabadka xukuumada DDSI ee 6 bilood ee sanadkan aan ku jiro, madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar ayaa si kooban u soo jeediyay warbixinta waxqabadka xukuumada DDSI ee 6 bileed ee ugu danbeeyay sanadkan .

Warbixinta uu madaxwayne cabdi maxamuud cumar soo jeediyay ayaa si buuxda ugu qotontay guulaha horumarineed ee ay xukuumadu 6 bilood ee ugu danbeeyay ka soo hoysay dhinacyada hirgalinta iyo meel marinta mashaariicaha waawayn ee horumarineed gaar ahaan dhinaca adeega biyaha, caafimaadka waxbarashada, beeraha, jidadka, dib u dajinta, isgaadhsiinta horumarinta magaalooyinka DDSI iyo ka jawaabida baahiyaha bulshada DDSI. wuxuuna madaxwaynuhu si qoto dheer uga warbixiyay in mashaariicihii horumarineed ee qorshaysnaa in la hirgaliyo sanadkan intoodoo badnayd si cilmiyaysan oo tayo leh loo hirgaliyay 6 bilood ee ugu danbaysay adeegyadii loogu tala galayna ay bixiyaan hadda.

Dhankooda masuuliyiinta xafiisyada horumarinta ayaa soo jeediyay warbixinta waxqabadka xafiisyada horumarinta sida xafiiska horumarinta khayraadka biyaha, beeraha, caafimaadka waxbarashada, horumarinta magaalooyinka, jidadka iyo xafiiska horumarinta waraabka iyo dooxooyinka kuwaaso oo dhamaantood ka warbixiyay waxqabadkii ay xafiisyadaasi ka soo hooyeen qorshihii u yaalay 6 bilood ee ugu danbeeyay. Ka dib markii uu golaha xildhibaanadu dhagaystay warbixintan kana dooday su’aalana layska waydiiyay warbixintaasi ayaa waxaa lagu ansaxiyay cudbuuxa.

Sidoo kale waxaa maanta galinkii danbe la soo hordhigay holaha xildhibaanada DDSI bayaanka meel marinta miisaaniyada dheeriga ah ee sanad miisaaniyeedkan2007 TI. Haddaba maadaamo oo ay jirto miisaaniyad dheeriya oo aan ku jirin miisaaniyadii uu meel mariyay golaha xildhibaanada DDSI bilowgii sanad miisaaniyeedkan 2007 TI ayaa loo baahday in la ansaxiyo lana isticmaalo.

Miisaaniyadan dheeriga ah ayaa waxay u kala baxaysay laba qaybood oo kala ah dakhli dheeriya oo uu soo xireeyay deegaanku oo dhan 600,000,000 (lix boqol oo millyan oo birr) iyo qaybta 2 aad oo ah mushaar korodhkii guud ee la siinayo shaqaalaha dawlada heer degaan heer gobol degmooyin iyo maamulada magaalooyinka DDSI oo dhan 606,487,115 bir (lix boqol iyo lix millyan, afar boqol sideetan iyo tobon kun boqol toban iyo shan bir) Wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaah DDSI mudane ahmed cabdi maxamed ayaa bayaanka miisaaniyada si qoto dheer golaha xildhibaanada DDSI ugu faah’faahiyay si qoto dheer iyo mashaariicaha horumarineed ee lagu hirgalin doona miisaaniyadan dheeriga ah.

Sidoo kale markii ay dhagaysteen golaha xildhibaanadu su’aanala layska waydiiyay ayaa waxa uu ku meel mariyay warbixintan cub buu