Wasiir Kuxigeenka Caafimaadka DDSI oo Si Diiran ugu Soo Dhaweeyay Gagida Diyaaradaha Wafti Sare oo Ka Socday Hay'ada FINNDEVO INTERNSATIOAL.

jigjiga(CN) Khamiis Feb-27-2015.Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Garaad wiilwaal international airport ka soo degay wafti sare oo ka socday hayada horumaarinta Finland(FINNDEVO INTERNSATIOAL) halkaasoo uu si diiran ugu soo dhaweeyay wasiir kuxigeenka Xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax siciid.

Waftiga hayadaa ayaa waxaa ka socday dr esko vam oo ah kuxigeenka hayada,dr ulla slama oo ah xoghayaha guud ee hayada iyo c/laahi caabdi suldaan oo ah agaasimaha guud ee hayada oo ah qurbajoog u dhashay Deegaanka. Wasiir kuxigeenka caafimaadka DDSI mudane C/fataax Siciid oo warbixin siiyay saxaafada ayaa sheegay in hay'adani ay Dalka iyo deegaankaba ku cusub tahay walow ay dalalka geeska afrika ay ka shaqeeyaan kana caawiyaan adeegyada caafimaadka iyo kobcinta awooda xarumaha caafimaadka. Mudane C/fataax ayaa intaa ku daray in hayadani ay DDSI ka caawin doonto tayaynta adeegyada caafimaadka,Qalabka caafimaadka iyo Kobcinta awooda xirfad caafimaad ee xarumaha iyo shaqaalahaba.

Masuulka ayaa aad ugu mahadceliyay mudane C/laahi cabdi Suldaan oo ka mida masuuliyiinta hay'ada kaana mida Qurbajoogta ka soo jeeda DDSI iskuna dhabarjabiyay sidii uu deegaanka u keeni lahaa hay'adan kuna guulaystay islamarkaana ku booriyay qurbajoogta kale in ay kaga daydaan C/laahi Suldaan isxilqaankiisa.