Jaamacada Diridhaba Oo Bilaabaysa Waaxyo Kutakhasusa Barashada Enjineerikada Farsamooyinka Casriga ah Ee Gaadiidka Tareenka.

Diridhaba(CN) Jimce.Feb.27.2015, Afar jaamacadood oo kuwa dalka ah ayaa kuhawlan sidii loo abuuri lahaa xirfadlayaal aqoon dheeri ah u leh farsamooyinka cusub ee mashaariica gaadiidka tareenka ee guud ahaan dalka.

Madaxa waaxda culuunta farsamada ee jaamacada Diridhaba mudane Getinet Sewinat ayaa sheegay in ay jaamacadu ku hawlanayd taniyo sanadkii hore diyaarinta barashada culuunta farsaamada tareenka oo loogu talagalay ardayda Degree-ga Labaad.

Sida ay sheegayso wakaalada wararka Itoobiya, Culuunta farsamada casriga ah ayaa sidii loogu abuuri lahaa macalimiin farabadan waxaa ku hawlan jaamacadaha Addis Ababa, Arbaminch, Jimma iyo diri dhaba.

Jaamacada Diridhaba ayaa bilaabaysa in ay qaabisho ardayda baran doonta cilmigan kusaabsan farsamooyinka casriga ah ee gaadiidka Tareenka oo Degree labaad ah. Waxayna waaxdani kaalin wayn ka qaadan doontaa mashaariicaha waawayn ee tareenka ee dalka.

Waaxda farsamada iyo Engineeriga ee jaamacada Diridhaba ayaa diwaan galisa islamarkaana barta in kabadan 6800 (lix kun iyo siddeed boqol) oo arday Degree ga koobaad ah  kuwaas oo isugu jara takhasusyo kala duwan.