Deg-Deg: War Goor Dhawayd ku Soo Dhacay Barta Warqabadka Cakaaranews oo Sheegaya Madaxda Sare ee Xukuumada oo u Kala Bixi Doonta Safaro Dalaka Dibadiisa ah.

Addis Ababa(CN) Sabti. Feb-28-2015.War goor dhawayd ku soo dhacay shabakada cakaranews ayaa sheegaya in sedex wafti oo ka mida madaxda ugu saraysa xukuumada DDSI ay labada todobaad ee fooda ianagu soo haya gudahooda ay ugu kala bixi doonaan socdaalo Dalalka Yurub,Ameerika iyo Carabta.

Sida warku nagu soo gaadhay Waftiga u baxaya dhanka Wadamada Yurub ayaa uu hogaaminayaa madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar isagoo ay wehelinayaan Madaxa Xarunta Dhexe ee XDSHSI mudane C/casiis Maxamed iyo Maareeyaha wakaalada Daraasaadka iyo Naqshada mudane Subeer halka waftiga u kicitimi doona Ameerikana ay hogaaminayaan madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka Horumarinta magaalooyinka iyo warshadaha mudane C/xakin Cigaal iyo wasiirka Ganacsiga mudane Khadar Cabdi Ismaaciil.

Wadamada Carabta ayaa ay u ambabixi doonaan Maareeyaha wakaalada Qurbajoogta mudane C/bari macalin iyo kuxigeenkiisa Cabdi Khaliif Buraale(Dhoombe).

Dhanka kale waxaa jira Tababar ay qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadu mudo 5 cisho ah ku soo qaadan doonaan dalka Shiinaha. Ilaa iyo eega ma hubno warbixin sugaysa in ay waftiyadu soo mari doonaan wadamada Australia iyo Afrika balse warka oo dhamaystiran dib ayaanu idiinka soo faahfaahin doonaa.